Araweelo News Network

Iyadoo ay soo dhowaatay bisha barakaysan ee ramadaanta oo ah xiliga sida aadka ah loo isticmaalo midhaha Xabxabka ayaa waxa aynu Barnaamijkeenan ku soo bandhigaynaa qaar ka mid ah faa’iidooyinka ay leedahay cunitaanka xabxabku, sida ay inoo caddaynayaan culimada caafimaadka oo uu warbixintan hoose ka diyaariyey Telefishinka caalamiga ah ee CNN.

Xabxabka ama qaraha sida ay soomaalida qaarkeed u taqaano waa khudrad dhadhan wanaagsan oo jidhka ku badiya dareeraha ama biyaha, taasina ay keento in kaadidana uu badiyo oo uu sifeeyo kelyaha iyo dhamaan marinada kaadi mareenka.

Cunitaankiisu waxa ay ka hortag u tahay kansarka ku dhaca kaadihaysta, maadaama ay ku jirto xabxabka maadada Lycopene oo ka hortag u ah Kansarka, waana maadada ka dhex dagaalanta unugyada jidhka ka mid ah ee cudurka kansarku soo mari karo, waana maadada xidhiidhka la leh xoojinta lafaha.

Xabxabka waxaa ku jira Vitamin C kaas oo xoojiya difaaca jidhka iyo firfircoonida waana khudrada kaa caawinaysa inay dhaawacyadaadu bugsoodaan waana cunto ku habboon caruurta.

Xabxabku waa shay u wanaagsan caafimaadka indhahaaga maadaama uu ku jiro Vitamin A, waxana xabxabku ilaaliyaa dhalinayaranimada jidhka isagoo ka hortaga duuduubka wejiga iyo gabowga jidhka.

Isticmaalka xabxabku waxa uu daawo ka yahay xanuunada muruqyada ee ay sababaan jimicsiyada faraha badan, waxana ay qireen ciyaartoydii qaadatay hal litir oo sharaabka xabxabka ah tababarka ka hor inay dareemayeen culays ka yar kii ay hore ula kulmi jireen xiliga tababarka, gaar ahaan xanuunkii lafaha iyo garaacistii wadnahooda oo hoos u dhacday.

Cunitaanka xabxabku waxa uu hoos u dhigaa dhiig karka waxana uu yareeyaa dufanka dheeraadka ah ee jidhka ku jira.

Hussein kurdi

xogtadunida.com