facebook1
Shirkadda Facebook, ayaa barteeda dadku ku kulmaan (facebook) ka saaraysa calaamad muujisa marka qofku buurto (Feeling Fat) oo kartoon ah, kadib markii 16 kun qof saxeexeen ogolaanshaha in laga saaro.
Koox ololahan qaaday, ayaa sheegtay in calamadan sii dhiirigelinayso dadka cuntada badsada amma uu ku dhaco xannuunada keena in qofku cuntada si aan xad lahayn u cno
Tirada aadka u baddan ee dadka ah ayaa ololahooda ka bilaabay internet-ka, kadibna u gudbiyey shirkadda Facebook, kuwaasoo isugu jiray dad la dagaalama buurnida.
Ololaha arrintan lagaga soo horjeeday oo loo bixiyey Change.org waxa bishii ina dhaaftay hoggaaminayey koox la yidhaa Natioanl Eating Disorders Awareness oo u ololaysa dadka cunista dhibaatooyinku kala soo saayidaan.
“Waxa aannu bulshadayada ka maqalnaa kelmada waxa aan dareemayaa buurni “Feeling Fat” oo ah mid qofku dooran karo, taasina waxay keenaysaa in dadku buurnida ku dhiiradaan, gaar ahaan dadka dhibaatadu ka haysato cunista, sidaa darteed waxa aannu doonaynaa in aanu ka saarno. Waannu sii wadi doonnaa in aanu dhegaysano falcelinta arrintaas ka imaysa si dadku aragtidooda u qeexi karaan,” ayey tidhi gabadh u hadashay shirkadda Facebook.
Haweenay la yidhaa Catherine Weingarten oo 24 jir ah, ardayna ka ah dalka Maraykanka oo ololahan saxeexdan, ayaa sheegtay in buurnidu aanay ahayn dareen, aadna qof kasta oo arka buurni uu uga cadhoodo, sidaa darteedna aan la dhiirigelin miisaanka jidhka in la kordhiyo.
Haddii go’aankan lagu guulaysto waxa daba socda ololayaal kale oo laga saarayo kelmado badan oo dadku dhibsadaan, kaasoo dad badan dareenkooda ku cabiraan.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews