Araweelo News Network


Gabadh yar oo lagu magacaabo Eshther Okade oo u dhalatay dalka Nijeeriya, isla markaana lagu tilmaamay inay aqoon cajiib ah u leedahay xisaabta oo Ilaahay u dhib yareeyey (Maths Genius), ayaa iyadoo 10 sanno jir ah waxa laga ogolaaday in ay gasho Jaamacad la yidhaa Open University, kuna taal dalka Ingiriiska.
Tallaabadan ayaa ka dhigtay mid ka mid ah dadka ugu da’da yar ee Jaamacadaha Ingiriiska shahaadada koowaad ka diyaariya, iyadoo gabadh yar ay ku nooshahay degaanka Walsall oo ku taala galbeedka England, waxa ay noqotay qofka ugu dhibcaha sarreeya fasalkeeda, waxa ay waqtigeeda firaaqada qortaa buug carruurta xisaabta lagu baro oo la yidhaa Yummy Yummy Algebra.
Qoyskeedu waxa ay ka shaqeeyaan dugsi furan oo xannaanaynta ubadka ah iyo waliba dugsi hoose oo Nijeeriya ku yaal, gaar ahaan Gobolka Delta.
“Waxa aan doonayaa in aan kooraska ku dhammeeyo laba sanno, kadibna waxa aan doonayaa in aan PhD diyaariyo oo aan maaliyadda ku diyaariyo marka aan 13 jir gaadho. Waxa aan doonayaa in aan yeesho bangi ii gaar ah, marka aan 15 jir noqdo, sababtoo ah xisaabta aad baan u jecelahay, waxa kaloo aan jecelahay dadka iyo bangiyada oo aan meel lagu caawin karo dadka,” ayey u sheegtay CNN-ta oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay.