X

Hadaad Xisaabta ku Liidato Waalidka Weydii

Araweelo News Network

Haddii xisaabta aad ku liidato waxa ay ka soo bilaabantay gurigiina, waxaana canaantaas dusha u ridanaya waalidkaa, sababtoo ah cilmi-baadhis cusub ayaa muujisay in waalidku yahay ka ubadkiisa ka dhisa amma fahansiiya xisaabta inta uu yar yahay.
Waxa ay cilmi-baadhistan xustay in waalidka ku wanaagsana xisaabta uu ubadkiisana baro, isla markana koriyo ubad xisaabta iyo tirooyinka ku fiican.
Cilmi-baadhistan oo ka soo baxay Jaamacadda University of Pittsburgh, ayaa dibada u soo saartay in waalidku ubadkiisa ka dhisi karo xisaabta, isla markanaa haddii uu ubadku xisaabta ku liito cannaanteeda ay qataan cida korisay.
Dr. Melissa Libertus oo daraasadan hormood ka ahayd, ayaa xustay in maxsuulka u soo baxay muujiyey in haddii waalidku tirooyinka amma lambarada aanay si fiican u aqoon ubadkooduna aakhirka la mid noqdaan, maadaama aanay ka caawin karin barashada xisaabta.
“Dhab ahaantii xirfada xisaabeed ee waalidku waxay u gudubtaa ilmaha. Daraasadan waxa ay muujisay sida waalidka loogula talinaayo in ay inta badan ubadkooda xisaabta kala hadlaan amma ay u kenaan macallimiin xisaabta bara,” ayey tidhi Melissa.
Daraasadan oo laga qaaday 54 carruur ah oo dadoodu shan ilaa siddeed jir tahay iyo 51 waalid oo dhammaan ubadkoodu xisaabta darajo fiican ka keeneen imtixaannaadka dugsiyadooda.
Ubadkan oo la mariyey saddex tijaabo oo xisaab ah oo lambaro lagu imtixaamay, halka waalidka laftarkooda xisaab tijaabo ah la mariyey, waxaana soo baxday in waalidka xisaabta yaqaan ay ubadkoodana baraan oo ay ku wanaagsan yihiin maadada xisaabta.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post