Araweelo News Network

Hargeysa (ANN- Xaflad dhiirigelin ah ayaa loo qabtay ardayda qabta baahiyaha gaarka ah (Special needs) ee wax lagu baro dugsiga daryeelka iyo barbaarinta Ubadka (Hargeisa Children’s Learning Center), kaasoo ku yaal caasimadda Hargeysa.

Xafladan oo lagu qabtay xarunta dugsigaa ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay maamulka dugsigan carruurta baahiyaha gaarka ah qaba, macallimiinta, Guddida maamulka, Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Kaysar Cabdillaahi Maxamed iyo waalidiinta Ardayda.

“Runtii dugsigan qiimo weyn ayuu ugu fadhiyaa dalkeena, waana mid loo baahan yahay in laga  hirgeliyo magaalooyinka  iyo gobollada kala duwan ee dalka. Laba sanno ka hor ayey ahayd markii aannu nimid xaflad halkan ah anniga iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Muj. Maxamed Kaahin oo ay nala socdeen masuuliyiin kale, iyadoo aannu bilawgii dugsigan joognay, waanad aragtaan hadda sida uu isku beddelay iyo carruurta wax ka barata oo markii hore guryahooda ku xidhnaan jiray, dhibaataduna haysan jirtay, iyadoo waalidiintii culayska badan haysatay waxa ay heleen fursad ay carruurtoodii halkan keeneen oo wax la baro, la ilaaliyo, lana xannaaneeyo, culayskana lala qaybsado,” ayuu yidhi Md. Kaysar.

Waxaannu intaas ku daray; “Marka hore waxa aan Ilaahay (SWT) ka baryayaa inuu caafimaad siiyo carruurtan yaryar, kana dul-qaado culayskaas carruurta yaryar haysta, waalidiintoodana uu Ilaahay garab siiyo, una fududeeyo sidii ay u tarbiyadayn lahaayeen. Ummad ahaan haddii aynaan eegin carruurteena xannuunsanaysa ee u baahan baahiyaha gaarka ah wax badan ayaa ka dhiman waddankeena, markaa waxa aynu u baahanahay in arrintan la sii ballaadhiyo, xukuumadda Somaliland-na hore ayey u ballanqaaday, waanan rajaynayaa Insha Allaah in Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo runtii hore u ballanqaaday inuu wax ka qaban doono adeegyada caafimaadka inuu ugu horaysiin doono dugsiyada caynkan ah.
Maamulaha Dugsiga marwo Khadra Cali Cigaal oo ka xog-warrantay nidaamka ay wax u bartaan ardayda baahiyaha gaarka ah qaba (special needs), waxayna tidhi; “Aad ayaad u mahadsan tihiin macallimiintayada iyo dugsigayaga maanta (shalay) xafladan u soo qabanqaabiyey ciyaalka, annagana runtii nagu casuumay waalid ahaan iyo Guddida Sare (board-ka) shaqo annagu kumaanu lahayn xafladan, waxayna ahayd wax iyaga ka soo baxay oo ay ku tashadeen markii ay arkeen, markaa waxa aan aad ugu faraxsanahay in aan halkan la joogo, ku faraxno oo aannu iyagana dhiirigelino.”

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Guddida Dugsiga Mr. Cabdixakiim Maxamed Sheekh oo faahfaahin ka bixiyey marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray aasaaskan dugsigan loogu talogalay carruurta baahiyaha gaarka ah qaba.

“Sida aynu wada ogsoonayn, dugsigan waxa laga bilaabay meel aad u hoosaysa, maantana halka uu marayo waynu arkaynaa, Soomaaliduna waxa ay ku maahmaahdaa gacmo wada-jir ayey wax ku wada qabtaan. Waxa aan xasuustaa ardayda mid ka mid ah oo aannu ugu tagnay goob ka mid ah caasimadda Hargeysa oo agoon ahaa, maantana waxa uu yahay qof la dhigi karaya ardayda kale ee dhammayska tiran ee dhigta dugsiyada kale ee caadiga ah, marka la eego sida maskaxdiisu u kortay iyo sida ay ugu dedaaleen macallimiintu, waxaanna ka muuqata in inankaas yari noqon karo qof maanta wax la dhigan kara ardayda kale ee dhigta iskuulada kale ee dalka, mahadaasna Ilaahay ayaa leh, waana dedaalka ay macallimiintu geliyeen, waalidiintana waxa aannu leenahay aad ayaad u mahadsan tihiin,” ayuu yidhi Cabdixakiim Maxamed Sheekh.

Geesta kale, qoraal uu soo saaray Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Kaysar Maxamed Cabdillaahi, kadib hadalka uu ka jeediyey xafladda ardaydan loo sameeyey, waxa uu ku sheegay in loo baahan yahay sidii taakulo loogu fidin lahaa dugsiga lagu hayo carruurta baahiyaha gaarka ah qaba.

“Xafladan oo shahaadooyin lagu guddoonsiiyay carruurta dedaalka muujiyay iyo macallimiinta geesiyaasha ah ee gacanta ku haya carruurtaas ayaa waxaa ka  qaybgalay Samafale Cabdixakiim Maxamed Sheekh iyo Masuulyiintii Aasaasay dugsigan qaar ka mid ah, waxaana halkaas lagu soo bandhigay hawlaha qiimaha badan ee Dugsigaasi u suurto galay. Laba sannadood ka hor ayay ahayd markii aan ka qaybgalay Xafladdii aasaaska dugsigan oo ah Dugsi ay ku nasteen Waalidiin tiro badan oo haystay carruurta baahiyaha gaarka ah leh oo markii hore aan haysan meel ay u ciirsadaan, laakiin maanta helay dugsigan carruurtooda lagu xannaaneeyo, waxna lagu baro.

Waalidiinta xafladan ka soo qaybgashay ayaa wejiyadooda ay ka muuqatay farxad ballaadhan iyaga oo arkay carruurtoodii oo wax baratay mustaqbal fiicana uu u ifayo.

Dugsigan ayaa aasaaskiisa ay lahaayeen Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Cabdi Dheere iyo xaaskiisa oo ay gacan siiyeen Guddiga Dugsigaas maamusha oo ay ka mid yihiin marwo Amrran Cali Xiis iyo Mudane Cabdixakiim Maxamed Sheekh, Umulkhayr Axmed Geelle Arab iyo xubno kale.

Waxa xusid mudan macallimiinta Dugsigaas oo dhallinyaro u badan oo dedaal aad u badan galiyay ardaydaas, kuwaas oo daboolay baahi kasta oo carruurtaasi ay qabaan xag waxbarasho iyo xaataa xag nadaafadeedba muddada ay dugsiga ku sugan yihiin.

Xukuumadda Somalilabd, Hay’adaha Samafalka iyo Ganacsatada reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay Dugsigan ka taageeraan dhinaca dhaqaalaha, dhammaanteena aynu u hawlgalno sidii Iskuulo kan la mid ah aynu uga dhisi lahayn dhammaan Gobollada iyo Degmooyinka dalka Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yidhi Kaysar Maxamed Cabdillaahi.