X

Haweenay si Farshaxan ah Far Qurux Badan ugu Qortay Qur’aanka Kariimka

Araweelo News Network


Haweenay u dhalatay dalka Azerbaijan oo hore uga tirsanaan jiray Midowgii Soofiyeeti ee Ruushka, ayaa ku guulaysatay in ay biraha siliigga ku qorto far qurux badan oo Qur’aanka Kariimka ah.
Gabadhan oo la yidhaa Tunzale Memmedzade oo 23 jir ah, isla markaana ku takhasustay qurxinta iyo sawirrada gacanta lagu farsameeyo, waxa ay isticmaashay silig madaw oo 50 miir ah, iyadoo qallin ahaan u isticmaashay khad 15,000 (shan iyo toban kun) mililliters oo dahab iyo silfer isugu jira si ay Qur’aanka ugu dhammayso siligan. Muddo saddex sanno ah ayey ku qaadatay in ay hawshaas dhammayso.
Haweenaydani waxay ku dhiirratay inay Qur’aanka habkan farshaxannimada leh u qorto, waxaanay sheegtay in markii ay baadhitaan badan samaysay qur’aanka lagu qori karo waxyaabo kala duwan oo siliiggu ka mid yahay, taasina ay keentay in ay hawshan ku dhaqaaqdo.
Waxa kaloo ay ku dooday in aanay jebin shareecdda, maadaama ay Qur’aanka si farshaxannimo leh ugu qortay siliig bira, nadiif ah oo aan wasakh iyo nijaas u dhawaan karin.
Mss. Tunzale Memmedzade waxay wax ku baratay Jaamacadda Marmara ee dalka Turkiga, waxaanay Alle ugu mahadnaqday inay dhammaysay shaqo saddex sanno ay wadday, waqtigana farxad aad ah ay dareemayso, maadaama ay noqotay qofkii ugu horreeyey ee hawl noocan ah qabta.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post