saamaynta jacaylka maskaxdaadaShanghai(ANN)Saynisyahanno u dhashay dalka Shiinaha, ayaa cilmi-baadhis ku sameeyey sida jacaylku u saameeyo maskaxda qofka, waxaanay sheegeen in dadka jacaylku hayo qaybo badan oo maskaxda ka mid ah aad u shaqeeyaan, marka loo eego qofka aan wax jeclaan amma ka bogsaday jacayl hore u soo maray.

Cilmi-badhayaasha oo daraasadooda ku daabacay jariirada la yidhaa Frontiers oo ka faaloota neerfisyada hab-dhiska dareemada neerfisiyada bina’aadamka, ayaa sheegay in qofka jacaylku ku cusub yahay ay maskaxdiisu aad u firfircoon tahay, taasina u u horseedo dhiirigelin badan iyo inuu dhaqdhaqaaq badan sameeyo, iyadoo sida daraasadu tilmaantay marka lammaanaha is-jelaaday mid ka mid ah aad u daneeyo ka kale ay sabab u tahay qaybaha maskaxdu shaqeeyaan, keenaana inuu aad uga fikiro qofka kale, halka qofka aan jacaylku waligii ku dhicin ay qayb kaliya oo maskaxda ah firfircoon tahay.

Khabiir lagu magacaabo Prof. Xiaochu Zhang oo ka socday Jaamacadda Sayniska iyo Tiknoolajiyada ee Hefei ee dalka Shiinaha, ayaa sheegay in daraasadoodu soo bandhigtay caddayn muujisay in qaybo badan oo maskaxda ay firfircoonadaan qofka jacaylku ku dhaco.
Cilmi-baadhista oo ay ku daabaceen, lagu xusay in dadka qof ay is jeclaayeen kala xidhiidh furmaan amma aan waligiiba jacayl ku dhicin qayb ka mid ah maskaxdu shaqayso oo qaybaha kale ka firfircoon tahay, waxayna natiijada baadhitaanka daraasadan ka soo baxday iftiimisay saamaynta uu jacayku ku leeyahay maskaxda, iyadoo khubarada samaysay baadheen maskaxda 100 qof oo rag iyo dumar isugu jira oo ka tirsan Jaamacadda Chongqing, qaybteeda cilmi-baadhista.
Ardayda waxa loo kala qaybiyey saddex kooxood oo kala ahaa qaar wax jecel, qaar xidhiidh jacayl oo ay lahaayeen ka burbureen waqtigaas uun iyo koox aan waligood waxba jeclaan, taasoo khubaradu ku ogaadeen in dadka jacaylku hayo maskaxdoodu aad u firfircoon tahay, gaar ahaan qaybta isku xidha shaqada maskaxda, siiba qaybaha la yidhaa Caudate Nucleus, amygdale iyo Insula oo ah qaybaha maamula in maskaxdu noqoto mid firfircoon oo shaqadeedu badato.
Dadka xidhiidhkooda jacayl muddo yar ka hor uun burburay, waxa aad u shaqaysa qaybta rajada iyo xasuusta, inta badanna maaha qaar firfircoon, halka kuwa aan waligood waxba jeclaan aanay maskaxdoodu ka fikirin waxyaabaha farxadda iyo firfircoonida ah, yihiinna dad aad u adag sida cilmi-baadhistu xustay.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews