caruurta1Brazil(ANN)Daawashada telefiishanka muddo ka badan laba saac maalintii waxa uu kor u qaadaa in dhiigga carruurtu aad u shaqeeyo, kadibna uu sababo dhiig-kar, sida lagu sheegay cilmi-baadhis cusub oo ay samaysay Jaamacadda Soa Paulo ee dalka Brazil.
Cilmi-baadhistu waxay sheegtay in ubadka da’doodu u dhexayso 2 ilaa 10 sanno jir ay yihiin kuwa ugu sii khatarta badan dhiig-karka, haddii ay muddo badan hor fadhiyaan telefiishanka amma shaashada.
Dhaqdhaqaaq la’aanta waxay kor u qaadaa 50% sida cilmi-badhayaashu ogaadeen in caafimaadka qofku halis galo, waxaana daraasadan oo laga qaaday in ka badan 5,221 (shan kun, laba boqol, kow iyo labatan) carruur ah oo 8 dal oo Yurub ah ka soo kala jeeda lagu ogaaday in daawashada badan ee murayaada telefiishanku halis khatar badan ku hayso caafimaadka ubadka.
Khabiirka cilmi-baadhistan hoggaaminayey oo la yidhaa Dr. Augusto Cesar de Moraes oo Jaamacadda Sao Paulo ee dalka Brazil ka tirsan, ayaa sheegay in baadhitaankooda ay ka soo baxday in bukaan badan oo laga helay dhiig-karka ugu wacan tahay dhaqdhaqaaq amma jimicsi la’aan ay sabab u yihiin fadhiga badan ee lagu daawado TV-yada.
Dr. Augusto waxa uu ka digay in xaaladan aakhirka sababi karto wadno-xannuun, tusaale ahaan in daawashada amma jimicsi la’aanta ubadku keento in qaybo wadnaha ay soo gaadho dhaawacyo, waxaannu caddeeyey in 1,000 carruur ah ee dhakhtarka lakeeno 110 ka mid ah laga helo xannuunkan.
“Macluumaadka noo soo baxay waxa uu wallaac ka muujinayaa in ubadka dabeecadahooda laga beddelo oo laga ilaaliyo fadhiga badan iyo daawashada aadka saacadaha badan ee shaashadaha telefiishanka,” ayaa lagu yidhi daraasadan waddamada badan isu soo martay.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews