dhakhaatir qaliin
Britain(ANN)Maqaarka dadka dhinta amma maydka, ayaa khubaro caafimaad oo Ingiriiska ka tirsan sheegeen in ay dhawaan u isticmaali doonaan in lagu daaweeyo dhaawacyda sida boogaha, nabarada gubniinku sababo iyo waliba nabada jirdhka soo gaadha.
Khubaradan waxay sheegeen in daawadan cusub loo isticmaalaayo in dhaawacdyada si fudud loogu daaweeyo, gaar ahaan kuwa aan daawoobin, waxaanay sheegeen in Maraykanka ay ku qaadan doonto soo saarista daawadan $25 bilyan oo doollar sannadkii.
Muddo tobban sanno ah waxay khubaradan baadhitaan ku hayeen in ay soo saraan sidii ay maqaarnka maydka uga samayn lahayeen daawo boogaha lagu dhayo, gaar ahaan waxay ka soo sarayaan booratiinada iyo walxaha unugyada maqaarka ku jira sida lagu daabacay jariirada Livescience.
Kooxdan Mancherster, ayaa sheegay inuu maqaarka bani’aadamka, gaar ahaan dadka dhintay u isticmalaayo in ay daawo u noqdaan boogaha daawooyinku aanay si fiican u bogsiin amma muddo dheer ay ku qaadato in ay ladnadaan.
.cilmi-badhayaashan caafimaad waxay isticmalayaan waxyaabo qalajiyayaal ah, taydh, dheecaanada Enzymes iyio walxo kale oo kiimiko ah si ay unugyada uga saraan maqaarka si jidhka qofka boogtu ku dhacday uu daawo ugu noqdo.
Culimadan waxay maqaarka kala baxayaan lakabka hoose (Dermis), kaasoo ka kooban dhuumo dhiig mareen ah, neerfisyo, daldalooladalada timuhu ka soo baxaan iyio dheecaannada dhididka soo saara si ay ugala sii baxaan booratiinada cufka ah ee ku sii guda jira.
Dr. Bayat waxay ay tilmaameen in maqaarka unugyo ku jira ay daawayn karaan dhaawacyda gubniinku sababo amma booguhu, isla markaana ay dib u soo saari karaan maqaarka nabarku ku dhacay ee soo bixi waaya, waxaannu xusay in ay doonayaan in ay daraasadoodan ku tijaabiyaan dad badan oo la il darran nabaro ku dhacay oo daawo loo waayey.
Waxaannu dhakhtarkan sheegay inuu haweenay 92 jir ah oo muddo 20 sannadood ah maqaarka boog kaga taalay uu ku daaweeyey habkan, taasina ay u fududaysan in ay daraasadan sameeyaan.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com