Mataano la kala jeexayUSA-Texas(ANN) Laba hablood oo toban bilood jiray, isla markaana ahaa mataano isaga dhegen uur-ku-jirta iyo laabta, ayaa markii ugu horraysay caaalamka lagu guulaystay in la kala saaro, iyadoo aan hore loogu guulaysan qalliin noocan ah.
Labadan hablood oo la kala yidhaa Knatelye Hope iyo Adeline Faith Mata, ayaa ku dhashay magaalada Texas ee dalka Maraykanka bishii April ee sannadkii hore, kuwaasoo la ogaaday markii ay dhasheen in ay wadagaan laab isu mid ah iyo waliba sabab isku mid ah, wadnayaashooduna isku dhegan yihiin, halka boga, beerka, midhidhicirahaiyo miskahana ay iskaga yalaan.
Horraantii bishan, ayaa koox dhakhaatiir ah oo ka koboan 26 qof oo ay ku jiraan 12 dhakhaatiirta qalliinka ah, lix suuxiyayaal ah iyo 8 kalkaaliyayaasha qalliinada ah ay mataanahan qalliinkooda ku galeen cusbitaalka Carruurta ee Texas, kaasoo ahaa qalliin adag oo qaatay muddo 26 saac ah, waxaannu aakhirkii noqday qallinkii ugu horreeyey ee lagu guulaysto mataano iskaga yaala laabta iyo uur-ku-jirta.
Hooyada mataanahan dhashay oo la yidhaa Elyssee, ayaa sheegtay in aanay mahadnaq kaliya ku filnaan karin dhahaatiirta hablaheeda badbaadiyey, waxaanay tidhi; “Waannu garanaynaa inta qorshe iyo waqti ah ee uu qalliinkan qaatay, aad baannu ugu ducaynaynaa in ubadka la keeno goob cusbitaalka carruurta ee Texas oo kale ah, halkaas oo ay ka heli karaan dhakhaatiir qalliin iyo waliba kalkaaliyayaal daryeel wanaagsan.”
Mataanahan markii ay dhasheen ayaa bishii December ee sannadkii hore la mariyey qalliin laabta ay iskaga dhegen yihiin loogaga dhigayo nud yar oo si aanay isu lisin lagaga badbaadinayey.
Haddaba, mataanahan markii la kala saaray waxa ay u baahdeen unugyo, iyadoo la diyaariyey xubnihii loo gelin lahaa, arrintaasoo si guul ah ugu dhammaatay dhakhaatiirka fuliyey qalliinkaas culus.
“Waa markii ugu horraysay ee qalliin lagu kala saaro mataano sidan isugu dhigan, waanu ku guulaysanay, kooxdayda dhakhaatiirta ahna waxay qalliinkan u diyaargaroobayeen muddo bilo ah, wax kastana waannu diyaarsanay oo shaqadayada ku saabsan,” ayuu yidhi Dr. Darrel Cass oo qalliinka carruurta ku takhasusay.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews