X

Nin Sheegay inuu Sameeyey Mishiin Lagu Dawanayo Cudurrada HIV/AIDS iyo Jooniska

Araweelo News Network

Kadib muddo laba sannadood ah oo uu aamusnaa nu dhashay dalka Masar oo ikhtiraacay mishiin uu sheegay in lagu dawayn karo cudurrada AIDS-ka iyo Joonis-cadka (Hepatitis C), ayaa hadda ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay in la tijaabiyo.
Ninkan oo la yidhaa Major General Ibrahim Abdul Atti oo la hadlay wargeyska Masar laga leeyahay ee Al-Masry Al-Youm oo Jamhuuriya soo xigtay, ayaa tilmaamay inuu muddada labada sanno ah ku mashquulsanaa samaynta aalad wax badan ku soo kordhin doonta dunida sayniska iyo caafimaadka.
Sarkaalkan ciidanka ka tirsan waxa uu ku dooday in aaladiisan dalkiisa hooyo ee Masar ka dhigi doonto goob hoggaaminaysa caafimaadka adduunka oo dadweynaha caalamku u soo dawaafi doonaan si ay caafimaad ugu soo doontaan..
“Ameerikaanku waxay caafimaad ka soo raadsan doonaan Masar oo hadda qiimaheeda caafimaadku ka yar yahay lacagta baakidhka sigaarka ah lagu iibsado,” ayuu u sheegay wargeyska l-Masry Al-Youm.
Jeneral Atti oo la waydiiyey sababta uu aaladiisa ugu bixiyey “CC Dvice” wuxuu sheegay in ay u taagan tahay “Aaladda daawaynta dhammayskatiran” (Complete Cure Device), waxaannu xusay in dad badan dacaayad ka fidiyeen si ay u beeniyaan, meeshana uga saaraan ikhtiraaciisa.
Dad badan oo Masaari ah ay ayaa ninkan kula taliyey inuu aaladiisa u bixiyey magaca Madaxweynaha dalkooda Mr. Abdul Fatah el-Sisi.
Masar waa dalka ugu sarreeya jooniska (Hepatitis C) adduunka, taasoo lagu qiyaaso in ay qabaan tobankii qof bah al qof oo ka mid ah, gaar ahaan dadka da’doodu u dhexayso 1 ilaa 59 jirka.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post