dhiiga jacaylkaLammaanaha haweenayda Dhiiggeedu O yahay, Ninkana A
Lammaanahan inta badan waxa lagu tilmaama in haweenaydu tahay mid dhexdhexaadin jecel oo mar kasta oo khilaaf yimaado xalisa, dulqaadkeeduna badan yahay, sababtoo ah dhiigga O waa dhiig fikrad taban inta badan qaata, dhegaystana aragtiyada loo soo jeediyo, waana qof bulshaawi ah, halka dhiigga A uu yahay qof horumar jecel, maskax ahaana aad u sarreeya, firfircoonidiisuna aanay yarayn, sidaa darteed marka haweenaydu O noqoto waa mid dulqaad badan, aadna u jecel in ay khilaaf kasta oo saygeeda soo kala dhex gala dhexdhexaadin iyadu ka gasho oo sasabashada ku badiso.
Lammaanaha haweenayda dhiiggeedu O yahay, Saygana B
Waxa loo yaqaan lammaanaha garbaha isu ah, waana laba qof oo isku habboonaada, wax dhib ah oo kala leex leexasho ah ma soo dhex galo, inta badana waa dad aad isu fahma, maadaama haweenaydu tahay O waxay inta badan raacda fikradaha uu soo jeediyo saygeeda, sababtoo ah dhiigga B waa dhiig hoggaamineed oo hoggaamiye ah, aad u farxad badan, jecelna in aragtiyada uu soo jeediyo la qaato, halka O-du yahay mid qaata aragiyadda loo soo jeediyo, sidaa darteed waa lammaane is buuxiya oo loo yaqaan in ay lugo iyo gacmo isu noqdaan.
Lammaanaha Dhiiggoodu yahay O
Marka sayga iyo oorida dhiiggoodu O wada yahay, waxa hoggaaminta yeelata haweenayda, iyadaa kali ku noqota, inta badana waxa dhacda in ay soo baxdo kalinimo oo aan labadooda midna dareemin inuu qofkii uu nolosha la qaybsanaayey la nool yahay, sababtoo ah waxa uu u arkaa in qofka kale nolosha isku kaliyey, sidaa darteedna haweenayda yaa hoggaanka qoyska la wareegta sida daraasada Japan samaysay lagu ogaaday.
Lammaanaha Haweenaydu O tahay, sayguna AB
Labada qof waa laba qof oo inta badan ku nool nolol riyo ah oo ku saabsan mustaqbalkooda, waxaanay dusha ka mooda in ay yihiin laba qof lammaane aad isugu habboon ah, balse guuud ahaan noloshoodu waxay ku eeg tahay riyo oo kaliya, sida dusha laga moodana maaha, waxaanay dadka tusaan in ay yihiin laba qof oo aad isu jecel, balse noloshoodu waxay u badan tahay riyo… la soco….
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com