dhiiga jacaylkaLammaanaha Haweenayda Dhiiggeedu AB tahay, Saygeeduna A:
Haddii ay is guursadaan lammaane haweenaydu AB tahay, ninkuna A waxay noqdaan laba qof oo si fudud isugu soo dhawaada, balse waxay ku kala badan yihiin hadba siday isu jecel yihiin oo mid kastaa wuxuu damcaa inuu ka kale u muujiyo inuu ka jacayl badan yahay, halkaasna waxa ka dhalan kara kala fogaansho iyo in ay is khalad fahmaan oo muran ka dhasho, laakiin waxa lagu yaqaan in ay yihiin lammaane si fudud isu jeclaada.
Lammaanaha Haweenayda Dhiiggeedu AB tahay, Ninkuan B:
Lammaanaha haweenayda dhiiggeedu AB yahay, saygana B waxa loo yaqaan lammaane gebi ahaan xagga nolosha iska dhammaystira, gaar ahaan inta badan ee noloshooda ugu horraysa waa dad farxad ku noolaada, balse aakhirka waxa ku dhaca dhibaatooyin ah in ay kala fogadaan oo ay xagga samirka isu samri wayaan haddii dhibaatooyin soo wajahaann, waana laba qof oo aad u kala fogaada haddii ay is fahmi wayaan.
Lammaanaha Haweenayda Dhiiggeedu AB yahay, Ninka O:
Waa lammaane aad ugu wanaagsan, balse waxa lagu yaqaan in muran degdeg ah markasta soo kala dhex galo, inkastoo dulqaadkoodu yahay mid aad u fiican, maadaama dhiigga O lagu yaqaan inuu yahay mid go’aammada loo jeediyo raaca, dulqaadkiisuna aannu xumayn, haddana lammaanahan waxa loogu yeedhaa kuwa ugu wanaagsan, ha isku dhacaan, balse waa dad is jecel inta badan.
Lammaanaha Labadoodaba Dhiiggoodu AB yahay:
Lammaanahan waxa loo yaqaan lammaanaha tamarta. Waa laba qof oo isku awood ah, isku tamar ah, isna fahma, tallaabo kasta oo ay qaadayaanna isku si u qabta, fikiradana iska matala oo aan isaga horimaan, aadna u isu jecel, hase ahaatee jacalkooda waxa ka weyn is-fahamkooda kale oo marna khilaaf ma soo kala dhex galo inta badan sida lagu hayo daraasada Koonfurta Kuuriya iyo Japan sameeyeen, labaas dal oo aad u aaminsan in ay saygeeda amma ooridiisa uu ku xusho dhiig… Dhammaad…

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com