sigaarkaQaybtii 3aad, By. Sulaymaan Axmed Yuusuf

Maxaa kuugu kaalmayn kara inaad sigaarka katagto
1) In aad Allaah talo saarato
2) Go’aan adag inaad ka qaadato
3) Inad soo yareysid cabbistiisa ama hal mar aad joojisid
4) Saaxiibadaa iyo dadka kale ee kaa agdhaw u sheeg inaad joojisay suntaa.
5) Iska daa inaad tagto dhulka aadka loogu cabbo sigaarka
6) Saaxiibadii aad wada cabbi jirteen iskaga hadh
7) Marka xaraaradi ku qabato waxaad isticmaashaa cadday ama xanjo iwm
8) Ku beddelo biyo iyo sharaab badan.
Sidee Ayeynu Masiibadan Qaran uga Hor-tagikarnaa
In laga hortago waa waajib iyo masuuliyad u taal ummadda oo dhami in ay iska kaashato, tusaale ahaan:
1) Qallinlayda iyo hal-abuurka muslimka ah waxaa laga rabaa in ay ummadda hadal iyo hawraarba ugu caddeeyaan dhibaatada sigaarka.
2) Dhakhaatiirta muslimku waxaa laga rabaa in ay ummadda u soo bandhigaan xannuunada dilaaga ah ee uu keeno sigaarku, iyagoo raacinaya xalkii lagu beddeli lahaa. Waxaa jirta in shirkadaha sigaarka sameeyaa inay malaayiin lacag ah ku laaluushan dhakhaatiirta caalamka si aan dhakhaatiirtu dhibta Sigaarka aanay aad uga digin.
3) Macalimiinta, rag iyo dumarba waxa saaran in ay da’yarta ka waaniyaan dhibta sigaarka dhammaan heerarka kala duwan ee waxbarashada heer Iskuul ilaa heer Jaamacadeed.
4) Warbaahinta noocyadeeda kala duwan waa inay xil iska saaraan sidii ay ummadda uga wacyigelin lahaayeen khatarta sigaarka
5) Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasaarada Dhallinyarada waa in ay door muhiim ah ka qaataan la-dagaalanka Sigaarka iyo balwadaha kaleba.
6) Masuuliyiinta xafiisyada iyo meheradaha haysta waxaa la gudboon in aanay u ogolaan Sigaarka dilaaga ah shaqaalahooda iyo in lagu cabo goobaha ay ku shaqadoodu ka socotoba.
7) Ololeheenu waa in uu noqdo burburi, waa xaaraan in la cabbo, lagama ganacsan karo Sigaarka, laguma cabbi karo meheradaha iyo meelaha dadka ka dhexeeya.
Gabagabo
v Waxaynu ogaaynay in uu sigaarku yahay wax xun, wixii xunna shareecadu waa xaaraantimaysay
v Waa qofkii oo naftiisa dilaya
v Waa qofkii oo dadka la jooga dilaya dilka aad dilaysid naftaada ama ta walaalaha waa xaaraan.
v Wuxuu dhibayaa malaa’ikta iyo muslimiinta kale ee aan sigaarka cabbin
v Qofka sigaarka cabbaya ee muujinayaa wuu ka dambi badan yahay qofka qarsanaya. Dadka arka adigoo sigaarka cabbaya sabab waxaad ugu noqon kartaa in ay iyana bilaabaan cabbista dilaaga khatarta ah.
v Qofka sigaarka cabbayaa waa musrif, musrifkana allaah ma jecla waa mid dayacaya xoolihii allaah siiyey
v Sigaarka dhakhaatiirtu waa sheegeen in uu dhib leeyahay oo aanu wax faa’iido ah lahayn wixii sidaas ahna shareecadu way xaaraantimaysay
v Ninka sigaarka cabbayaa hawadii nadiifta ahayd buu wasakhaynayaa.
Waajibaka saaran qofka sigaarka cabba
In uu Allaah ka baqo oo uu iska daayo sigaarka, wixii tagayna Allaah uga tawbad keeno.
Mahadnaq
Waxaan u mahadnaqayaa dhammaan walaalaha igala qaybqaatay diyaarinta, habeynta iyo isku dubo-ridka, waxaanna leeyahay jazaakumullaahu khayraa, gebogebadii waxaan sigaar ah u xusayaa Wacays Maxamed Axmed, Maxamed Ismaaciil Jaamac, Maxamed Maxamuud Xasan, iyo Maxamuud Ismaaciil (Xiis).
Allaah ha ku anfaco walaalaha muslimka ah iyo cidkasta oo ka qaybqaadata faafinta warqadahan, inaga iyo waalidkeenba Allaah ha u danbi dhaafo. Ku soo dir wixii talo bixin ah Emailkan: saabit_8@hotmail.com
Gabay waxaa tiriyey walaal Jaamac Caraale iyo walaal Cabdullaahi Ibraahiim Caraale
1. Sa’da gabayga, suugaan cuddoon, hadal sarbeebaysan
2. Ma sargoyn baryahanoo malaa, waan ka saahideye
3. Aan soo qaato dhawr sadar bal waan, idinku sooryayne
4. Ma saluugi doontaan sadriga, kaan ka soo sido’e
5. In sigaarku uu yahay suniyo, cudur sabbaynaaya
6. Sanbabada inuu gubayo oo, wada sadhaynaayo
7. Saacaddii la joogoba inuu, geeri sababaayo
8. Safiiha iyo maangaabka iyo, garay saqiirkiiye
9. Adduunyada dad aan diinba sidan, baa ka saahideye
10. Soomaaliduse way moogantahay siraha aan sheegay
11. Seben weeye guuraaya oo, laysku sirayaaye
12. Subax kii cabbaa goor xuniyo, saadanbuu garane
13. Saaxiibadaas aan taliyo, samaha gaadhsiiyey
14. Soo joog ninkii diidayee, samaha dhaafaaya
15. Si xun inuu u lumi waa hubaal, waanay sidataaye
16. Naftu waa mid saamayn lehoo, saamaxaad malehe
17. Haddii aanad seetayn aday, saaqid kaa dhigiye
18. Goor aan la sixi karin ayaad, silic la ciishoone
19. Aakhirona waa aay ku sugi, waanad socotaaye
20. Sahay wacan hadaad haaysataad, saami leedahaye
21.Bal sawiro su’aalaa danbiyo,sabab la’aantaada…..
Tix-raax
1) Ka dhig kii u danbeeyey oo uu qoray Sh. Cabdulmuxsin Alqaasim, ahna Iimaamka masjidka-nabawiga
2) Khudbadaha muftiga guud ee Sucuudiga alcallaamah Aalushaykh – xafidahullaah-
3) Kiimikooyinka Sigaarka ku Jira uu qorey Cali Cabdi Coomay
4) Warbixin ku saabsan waxyeelada Sigaarka oo ay diyaarisay VOA qaybteeda afka Soomaaliga iyo BBC qaybteeda afka Soomaaliga
Dhammaad