sigaarka

Sulaymaan Axmed Yuusuf


Hordhac

Ugu horeyn, waxa aynu ka hadlaynaa xannuun khatar ah oo dilaa ah. Waa kansar lugaynaya, waa sun iyo waabeey ay dad badan nafahooda ku waayeen, halisna ku ah caafimaadka qofka, dhaqaalaha iyo caqligaba, taasoo aanay ka badbaadin dhallinyaro iyo waayeelba, waliba u tallaabay ilaa haweenkii, waana waxa kallifay diyaarinta qoraalkan kooban, iyadoo ay jirto naxariis loo hayo kan` cabbaya, ka lagu ag-cabbayo iyo kan iibinayaba. Sidaa darteed; waxa aynu ka eegaynaa dhawr meelood oo kala ah sidan:
Taariikhda Sigaarka
Markii u horaysay ee ay reer Yurub ogaadeen jiritaan sigaarku waxay ahayd sannadkii uu ninkii sahamiyaha ahaa ee la odhan jiray Kolombas helay qaaradda Mareekanka wakhtigaas oo ku beegnaa 1492 taariikhda miilaadiga, xiligaas wuxuu arkay nimankii ahaa Hindida dhulkaa loogu yimi oo lagu magacaabi jiray ‘Maaya iyo Aztecs’ oo tubaakada beeranaya, ka dibna intay shidaan cabbaya ama nuugaya. Qarnigii 16aad qaaradda Yurub waxaa ku faafay beerista buuriga iyo cabbista Sigaarka, intaa ka dib ganacsato u dhalatay Yurub waxay u soo rareen xeebaha Aasiya iyo Afrika halkaas ayuunna ka sii fiday sigaarku.
Taariikhda uu soo galay Dhulka Islaamka
Sida la ogyahay sigaarku waxa uu soo galay waddamada islaamka taariikhdu markay ahayd 1000 Hijriga, iyadoo reer Yurub sigaarka soo gaadhsiiyeen dhulka islaamka.
Caalamku sidee ayey ula dagaalameen cabbista sigaarka:
Waddamada qaarkood suntan Maraykanka uga timi aad bay ula dirireen, tusaale ahaan Ruushku wuxuu ku xukumi jiray qofka lagu qabto cabbista sigaarka, in sanka la jabiyo ama loo diro Saybeeriya, oo ahayd meel aad u qabow oo nolosheedu aad u adagtahay, dhib bandanna lagala kulmi jiray.
Sidoo kale, Suldaankii Muslimka u talin jiray xiligii Cusmaaniyiinta ee la odhan jiray Muraad Raabic (sannadihii 1623 ilaa 1640) cidhiidhi badan iyo dabogal badan buu saaray qofka sigaarka cabbaya. Wuxuuna ku xukumi jiray in la dilo, arrinkaasna wuxuu u cuskaday in uu khatar ku hayo caafimaadka qofka, waxaa lagu tiriyaa boqorkaas dadkii u horreeyey ee isku dayey xakamaynta Sigaarka.
CAAFIMAADKA IYO SIGAARKA
Baadhitaano la soo saaray sannadkii 2009-kii, ayaa lagu sheegay in sideedii ilbidhiqsiba hal qof u dhinto isticmaalka tubaakada. Waxaa daraasadaha qaarkood lagu sheegay in xabbad kasta oo sigaar ah oo la cabbo ay qofka shan daqiiqo ka goyso cimrigiisa celcelis ahaan.
Halka darasaadka qaarkood lagu sheegay in ay u dhintaan sannadkiiba dad lagu qiyaasay laba milyan iyo shan boqol oo kun oo qof (2,500,000 ). Tusaale ahaan, Maraykanka oo keliya wuxuu ku dilaa sigaarku 420 kun oo qof sannadkiiba.
Sannadka 2015 qiyaastii 6 milyan oo qof ayaa sannadkiiba u dhimato cudurada laga qaado sigaarka, halka 600 oo kun oo ka mid ah dadkaasi la sheegay in ay yihiin dadka aan sida tooska ah u cabbin sigaarka ee jiida qiiqa ka soo baxa dad agtooda ku cabayey.
Sigaarka Kiimikooyinka ku Jira ee la yaqaan
Qiyaastii inta la ogyahay konton kimiko oo kala duwan ayaa ku jira sigaarka, waana kuwo halis badan oo sababi kara noocyada kala duwan ee kansarka dadka ku dhaca.
Suntan la yidhaah Nikotiin (Nicotin): Waa maadada ugu saamaynta badan kimikooyinka ku jira sigaarka. Waxa ay keentaa in uu qofku caadaysto cabbista sigaarka.
Suntan Tar (Taar): Waa maaddo sun ah oo midab madow samaysa. Waxa ay toos uga muuqataa ama ku sawirantaa sambabka qofka sigaar cabbista caadaysta, waxa ay waxyeeshaa marinka neefsiga, sida sanbabka oo barara, xiiqis joogto ah, socodka oo qofka dhiba. 70% waxay toos u saamaysaa sanbabka, aakhirkana waxay keentaa kansar.
Kaarboon Moono-ogsaydh (Carbon Monoxide): Waa sun neef ah oo khatar badan, waxay is ku mid yihiin qiiqa ka soo baxa gaadhiga marka uu istaadhan yahay. Wuxuu dhaawacaa neefta la qaato ee ogsijiinta (Oxygen) marka jidhka loo qaybinayo, sida maskaxda, wadnaha iyo xubnaha jidhka ee kale.
Amooniya (Ammonia): Waa sun khatar badan, buuriga ayay gaar u beddeshaa. Waxa ay had iyo goor keentaa cuno xannuun qufac iyo balqan joogto ah. Waana sababta inta badan ay qufac iyo xaako badan loogu arko qofka sigaarka cabba.
Muran Ma-doon
Waxaa muran ma doon ah dhammaaan qodobada hoos ku qoran:-
• Geedka tubaakada (buuriga) ah uma soo dhawaado xayawaanka iyo haadduba, sida shinbiraha.
• Dhibco ka mid ah tubaakada haddii irbad ahaan loo qaato waxa ay dili karaan Ey ama qof dhan, adna sigaar cabbow naftaadi baad u quudhay.
• Sigaarku wuxuu sababaa oo xannuuno badan oo dilaa ah.
Xannuunada sigaarka laga qaado qaar ka mid ah
1) Sigaarku waa dilaa caafimaadka u daran, waxaa laga qaadaa kansarka ku dhaca bushmaha, afka, cunaha, hunguriga, sanbabka iyo neefta oo qofka ka soo bixi wayda.
2) Waxaa laga qaadaa wadno-xannuun, dhimasho kedis ah, maskaxda oo daciifta iyo waali, cadho degdega ah.
3) Waxaa laga qaadaa kansarka ku dhaca kaadi-haysta, ganaca, kelyaha iyo meelo kale oo muhiim ah.
Dhakhtarradu Maxay ka Yidhaahdeen?
• Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO khuburo ka tirsani waxay sheegeen “in sigaarku meelaha ku faafo uu keeno xannuunada ugu badan iyo geerida ugu badan”.
• Dhakhtar la yidhaahdo Kancaan Al-jaabi oo macallin sare ka ah, kana hawlgala Jaamacadda Suuriya, wuxuu yidhi; “25 sannadood ayaan dawaynayey kansarka, iima iman qof uu kansarku kaga dhacay cunaha ilaa wuxuu ahaa qof sigaar cabba.”
Dadka Dhibaatadu ka soo gaadhay Sigaarku Maxay ka Yidhaahdeen?
Wasiirka Duulista Somaliland Md. Cismaan Saxardiid Caddaani oo tallooyin u jeedinayay dadka caadaysatay cunista ama isticmaalka balwadaha kala duwan ee nafta u daran ayaa tusaale ku bixiyay naftiisa, wuxuunna yidhi; “Anigu qalliinka aan galay anigaa isu geystay anigaa sigaar cabbayey, anigaa qaad cunayey, anigaana naftayda aan dhawreyn, waxaan leeyahay ka sigaarka cabbayaw jooji, iminka go’aan qaado oo jooji….”.
Aabahay waxa aan ka maqlay Allaah ha u naxariistee isaga oo leh “Waxa aan waydiiyey sigaarka Xaaji Mire – Illaah ha u naxariistee, wuxuu iigu jawaabey hadal kooban oo nuxur badan leh “waa lacagtaadi oo aad xannuun ku iib-sanaysid.”
La soco qaybo kale….