Britain(ANN)Qoysas laba caruur ah ugu dhasheen cusbitaal 20 sanno ka hor oo hooyooyin kale la siiyey, kadib markii ay isku khaldameen ubadkoodii, ayaa hadda dib u kala helay labadii carruur ahaa, iyagoo sidoo kalena mag-dhaw ahaan loo siiyey lacab £1.5 milyan oo ginniga Ingiriiska ah.
Ubadkan oo ahaa laba hablood, ayaa markii ay dhasheen xool isku mid ah lagu riday, kadib markii ay hooyooyinkood ku umuleen cusbitaal Faransiisku leeyahay, balse kalkaalisadii caafimaad ee u kala dhiibaysay ayaa si khalad ah u kala siisay, iyadoo ay u kala beddelmeen labadii carruur ah, hooyo kastaana qaatay ilmo aan ahayn kii saxda ahaa ee ay umushay.
Muddo 10 sanno ah kadib, ayaa baadhitaan la sameeyey lagu ogaaday in hooyooyinkaas ubadku u kala beddelmeen.
“Maan arag gabadhii aan caadiga u dhalay muddo dheer, dhaqanka iyo tacliinta labada qoys oo kala duwanaa waxay dhib ku keentay in aanu is heli kari wayno,” ayey tidhi Sophie Serreno oo ah hooyada mid ka mid ah hablaha la kala beddeshay.
Qoysaskan oo si wada jir ah u qaaday dacwad madani ah waxay dalbadeen in mag-dhaw dhan £10 milyan looga qaado cusibtaalka khaladkaas galay iyo waliba dhakhaatiirtii iyo kalkaalisooyinkii caafimaad ee waqtigaas hawsha ku jiray, laakiin Maxkamadda Grasse ee Koonfurta Faransiiska, ayaa labadan qoys siisay magdhaw aan sidaa u badnayn oo ah £300,000 lacagta bawnka la yidhaa ee Ingiriiska laga isticmaalo, gaar ahaan waxay gacanta ka saartay hablahan yar yar, halka saddex ka mid ah waalidiintu heli doonaan £220,000 bawn oo midkiiba la siiyo, halka hablahan oo 3 hablood la kala dhashay ay midkiiba heli doonto £50,000 bawn.
Cusbitaalka khaladkan galay wuxuu qirtay dhibaatada uu soo jeeday, waxaannu ku dooday in khaladkan ay kala galeen laba kalkaaliso oo shaqada isku kala beddelaayey, iyagoo waafaqay qadarka lacagta ah ee lagu xukumay ee mag dhaw ahaanta loo siinayo qoysaska labada hablood.
Qoysaska mid ka mid ah qareenadooda, ayaa sheegay in aanay dacwadan ka rafcaan qaadanay, maadaama Maxkamaddu go’aamisay in cusbitaalku masuuliyada khaladkaas ka dhashay uu qaadayo.
Khaladkan wuxuu dhacay kadib markii Mrs. Sarreeno ay ilmo cusbitaalkaas ku dhashay July 4, 1994, kadib gabadhii ay dhashay oo xannuun la soo darsay isla markiiba waxa xool lagula riday gabadh kale, iyadoo markii ilmaheeda loo dhiibayna ay aragtay in ay ka midab duwan tahay, balse kalkaalisadii ay u sheegtay in aanay gabadheedii ahayn hadalkeeda aaminin oo waxay u sheegtay in madawgaas ay sababtay halka la dhigay amma xoolkii lagu riday laydhka ku xidhnaa.
Labada ubad ah waxa mid kasta qaadatay hooyo aan dhalin, kadib waxay ku kala koreen meel 20 mayl u jirta, halka markii ay 10 jir gaadhay Manon ka midab duwanaatay qoyskooda, aabbaheedna baadhitaan ku sameeyey, lagana shakiyey in uu dhalay nin ay yaqaaneen oo farriimaha boostooyinka qaada, sidaa darteedna labada qoys gudbiyeen dacwad cusbitaalkaas ka dhan ah.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com