Araweelo News Network


Koox saynisyahanno ah oo u dhalatay dalka Kenya, ayaa sheegay in ay heleen in ka badan 20 geed oo loo isticmaali karo in lagu daweeyo noocyada ugu badan Kansarka ee dadka ku dhaca.
Kooxdan oo cilmi-baadhiso kala duwan ku sameeyey Jaamacadaha dalka Kenya, kuwaasoo kaashaday khubaro ka socoday Mac-hadka Darasaadka Caafimaadka Kenya ee KEMRI (Kenya Media Research Institute), ayaa soo bandhigay natiijadooda maalinntii Isniinta ee toddobaadkii hore.
Sida lagu daabacay wargeyska Standard ee ka soo baxa dalka Kenya oo Jamhuuriya soo xigtay, shir sannad leh ah oo muddo saddex maalmood ka socday oo lagaga hadlay arrimo khuseeya sayniska oo ay la qaybgaleen in ka badan 30 cilmi-baadhe, ayaa lagu taageeray maxsuulka daraasadaas ka soo baxay, iyagoo sheegay in loo baahan yahay awood lagaga guulaysan karo xannuunka Kansarka, gaar ahaan mid dawooyinka maxaliga ah.
“Waxa aan Shiinaha ka baran karnaa dawooyin badan iyo cilmiga ay ka gaadheen dawo dhaqameedka, iyagoo cusbitaaladooda xaataa ku isticmaala.” Sidaa waxa yidhi Julius Wanjohi Mwangi oo ah Khabiir dawooyinka ku takhasusay, gaar ahaan dawooyinka dabiiciga ah, kana tirsan Jaamacadda Nairobi.
Dhirta daraasadan soo bandhigay badankooda waa dhir dawo-dhaqameed ah oo gudaha Kenya laga helo, taasoo ay dadka wax ku dabiiba dawo-dhaqameedku ay siyaabo kala duwan u isticmaalaan.
Gabadh la yidhaah Sabina Wangui Wachira oo ka mid ah Mac-hadka KEMRI, ayaa sheegtay in ka badan 60% dawooyinka Kansarka lagaga hortago ee Kenya laga isticmaalo laga keeno waxyaabo dabiici ah oo dhirtu ugu horrayso.
Sidoo kale, waxa daraasadan qayb ka ahaa koox khubaro ah oo ka socotay Jaamacadda Beeraha iyo tiknoolajiyada ee Jomo Kenyatta University oo soo saaray dhir maxali ah oo lagu dawayn karo kansarka.
Waxa ugu caansan dhirta ay khubaradan baadhitaanka ku sameeyeen geedka jiridiisa looxa loo isticmaalo ee la yidhaa Prunus Africana, kaasoo dunidu u isticmaasho dawaynta kansarka ku dhaca labka ee loo yaqaan “Prostate Cancer”. Waxa kaloo ay geedkan khubaradan ku tijaabiyeen inuu dawayn karo kansarka naasaha ku dhaca.
“Waxa aan helnay oo ogaanay in geedkan xaataa loo adeegsan karo in unugyada naasaha ee kansarku ku dhaco lagu dawayn karo,” ayey kooxdan saynisyahannada ah sheegeen.
Waxa kaloo ay tijaabiyeen geedka Kenya ka baxa ee la yidhaa Cofetti and Pepper Wood Plant oo ay si gaar ah u sheegeen inuu kansarka naasaha daweeyo iyo waliba kansarka mindhiciraha ku dhaca.
Sidoo kale, waxa ku jira dhir khudaar ah oo lagu dawayn karo noocyo badan oo cudurka kansarka ka mid ah, balse khubaradan waxa ay soo jeediyeen in daraasad dheeraad ah laga sameeyo maxsuulkooda si loo sugo dawo dhab ah oo lagaga soo saaro dedaalkooda, taasoo lagaga hortagi karo xannuunka Kansarka oo sababa dhimashada ugu badan ee shacabka Kenya. Sida ay Sheegeen Ururka Dawaynta Kansarka Kenya (Kenya Cancer Network) ugu yaraan waxa sannad kasta dalka Kenya laga helaa 39,000 kiis oo kansar cusub ah.