raggadaraasadBritain(ANN)Daraasad la xidhiidha shaqsiyada ragga, ayaa lag oggaaday in Farta dhexe ee Soomaalidu u taqaan far-dhexada ayaa daraasado badan oo la sameeyey xaqiijiyeen in ay wax badan ka sheegto shaqsiyadda iyo caafimaadka qofka.
Haweenka way u fiican yihiin:
Ragga farta dhexe gaaban tahay, isla markaana farta fargalka lagu xidho ee faryarada ku xigta dheer tahay waa nin aad ugu naxariis badan, una fiican haweenka sida lagu iftiimiyey daraasad cusub oo dhawaan la soo saaray, laguna baahiyey wargeyska Personality and Individual Differences, waxayna khubarada cilmi-baadhistan diyaariyey sheegeen in ay sababto hormoodka jinsiga ee raggu in ay haweenka u kala jajabnaadaan.
Cilmi-baadhistan oo laga qaaday 155 qof (78 nin iyo 77 haween ah) oo laga buuxiyey maccluumaad ku saabsan dabeecada ay la leeyihiin bulshada, iyadoo muddo toddobaad ah shan daqiiqo lala joogay, waxaana ka soo baxday in ragga farta dhexe gaaban tahay, farta fargalka la geliyaana dheer tahay yihiin qaar u dabacsan haweenka, marka loo eego ragga kale.
Waa nin qurux badan:
Ragga farta dhexe gaaban tahay, farta fargalka lagu xidho waa rag aad u qurux badan sida lagu sheegay cilmi-baadhis sannadkii 2011-kii la sameeyey oo lagu daabacay jariirada Proceeding of Royal Society B.
Khubaradan waxay ku doodeen in hormoonka Testostrone uu sababo ka hor inta aan ilmuhu uurka hooyadii ka soo bixin nooca wejigiisu u eekaanayo iyo sida uu soo jiidasho u yeelan karo, inkastoo abuur Ilaahay jirto oo Eebe ina abuuray, haddana waa sida cilmi-baadhayaashan sheegeen.
Imtixaank way ku wanaagsan yihiin:
Cilmi-baadhis la sameeyey sannadkii 2007 oo dalka Ingiriiska laga qaaday, gaar ahaan khubaro cilmi-nafsiga ku takhasustay ayaa sawir ka qaaday gacmaha wiilal iyo gabdho kala duwan leeyihiin, gaar ahaan faraha, kuwaasoo aakhirkii la geliyey imtixaan, waxaana la ogaaday in wiilasha iyo gabdhaha fartooda dhexe ka gaaban tahay farta fargalka la gashada imtixaanka ku fiican yihiin, gaar ahaan maadada xisaabta, halka kuwa fartooda fargalku gaaban amma ay le’eg tahay farta dhexe waxbarashada lagaga wanaagsan yahay
Xannuunada qaar baa laga ogaadaa:
Daraasad lagu daabacay sannadkii 2010 jariirada British Journal of Cancer, ayaa lagu sheegay in baadhitaan lagu sameeyey dad badan, iyagoo farahoodana la eegay in 1,500 bukaan oo kansar laga helay xannuun dadkii baadhista lagu sameeyey, halka 3,000 caafimaad qabeen, waxana daraasaddan oo 15 sanno socotay lagu ogaaday in bukaankaas dhakhaatiirtu ka codsadeen inay sawirro ka soo saraan cidda faraha uga muuqaalka eg amma gacmahooda oo kale leh.
Waxa soo baxday in ragga fartooda dhexe le’eg tahay amma ka dheer tahay ta fargalka inta badan lagu xidho ee faryarada ku xigta ay 33% qaadaan xannuunka kansarka, gaar ahaan nooca qanjidhada ku dhaca, marka loo eego ragga fartooda dhexe gaaban tahay, kana gaaban tahay farta fargalka la geliyo ee Soomaalidu u taqaan Fadumo amma ku xigta faryarada.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews