Aabbo iyo Hooyo u dhashay dalka Ingiriiska, ayaa gabadh yar oo ay dhaleen oo 8 jir ah waydiiyey siday u daawayn lahayd haddii loo keeno qof kasar qaban, waxaana gabadhaa yari heshay jawaab cajiib noqotay.
Gabadha yar oo la yidhaa Camilla Lisanti ayaa sheegtay in ay siin lahayd daawooyinka caabuqa la dagaalama ee la yidhaa Antibiotics, iyadoo tusaale u soo qaadatay in ay cunto marka cunuhu xannuuno.
Hooyadeed iyo aabbaheed oo ka mid ahaa khubaro cilmi-baadhis ku samaysa kansarka ayaa markii hore aan muhiimad siin jawaabtaas, balse aakhirkii aragtiyada inantooda yar ku tijaabiyey shay-baadh ay leedahay Jaamacadda Manchester, waxaanay aad u yaeen markii ay ogaadeen in jabab daawadan ka mid ah ay dishay unugyo kansar khatar ah qabay oo ay ku tijaabiyeen.
Daawada ay tijaabiyeen ee Antibiotics ah waxay dishay toddobada ka mid ah noocyada kala duwan ee cudurka Kansarka ah sida kansarka ku dhaca naasaha, sambabada iyo ka ay aadka u adag tahay in la daaweeyo ee ku dhaca maskaxda.
Mid ka mid ah daawadan Antibiotic ah oo la yidhaa Doxycycline oo inta badan loo isticmaalo in finanka lagu daaweeyo ayaa noqotay mid aad u wanaagsan, waxaanay ku qaadatay lix maalmood oo kaliya in ay daawaysto kansarkii lagu tijaabiyey.
Hay’adaha caawiyaha dadka Kansarka qaba, ayaa sheegay in cilmi-baadhistan ay jawaab u tahay baadhitaanno badan oo muddo lagu jiray.
Proff. Lisanti iyo xaaskiisa Federica Stogia, ayaa cilmi-baadhistoodan oo ay xal u waayeen gabadhooda yar jawaabteedii u noqotay darriiq ay u qadaan.
“Waxay na maqashay annagoo ka hadlayna kansar in badan, waxaanannu u aragnay in ay madadaalo uun tahay in aanu waydiiyo sida kansarka loo daawayn karo, waannu waydiinay, waxaanay nagu tidhi; Hooyoiyo Aabbo waxaan isticmaali lahaan uun daawado Antibiotic ah, sida marka cunuhu i xannuuno oo kale,” ayuu yidhi Prof. Lisanti.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com