ninka ugu buurnaa shiinahaShanghai(ANN)Ninka ugu buuran dalka Shiinaha oo 225 kg (35 stone) miisaankiisu ahaa, ayaa muddo 5 sannadood ah ay ku qaadatay inuu rubuc ka mid ah miisaanka jidhkiisa iska rido, waxaannu waqtigan hoos ugu soo dhacay 146.4 kg (23 Stone).
Liang Yong waxa waqtigii ugu dambaysay lagu qaadi jiray gaadhi kaaryoone loo sameyey, sababtoo ah waxa uu ka miisaan cuslaaday in gaadhiga ambalaastu qaadi karo, balse 26 jirkan waxa uu hadda aad ugu faraxsan yahay inuu miisaankiisu aad u dhacay, caafimaadkiisuna fiicnaaday, cagahiisana uu ku lugayn karo inta uu doono.
Inkastoo ay muddo aad u badan ku qaadatay inuu cagihiisa ku socdo, haddana waqtigan waxa dhakhaatiirtu ku amreen inuu wax cunistiisa xakameeyo, quutana cuntooyin caafimaad ahaan wanaagsan, balse aan miisaan ku kordhinayn.
“Maaha rikoodh lagu faano, markii lagu igu magacabi jiray ninka ugu buuran China, la iina sheegay in xataa si toos ah loo diiwaangeliyey sannadkii 2007kii, balse waqtigan ninkaas ma ahi, dhammaan miisaankii oo dhan wuu iga dhacay,” ayuu yidhi ninkan mar lagu tilmaami jiray ninka ugu buuran China.
Cusbitaal maxali ah oo dalka Shiinaha ku yaala ayaa ogolaaday inuu lacag la’aan ninkan ku daaweyo, balse siyaasada uu ka ahaa ay ahayd in ay noqdaan caan si dad kale oo dhibaato iyo cuqdad ka qaba miisaanku ay u yimaadaan.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews