Araweelo News Network

Toddobaadkan gudihiisa, ayaa khubaro magacoodu yahay TechKnow waxa ay tijaabiyeen qalab cusub oo indhaha loo gelinayo dadka aragga naafada ka ah (Bionic Eye), qalabkan oo ay u bixiyeen Argus II.

Tijaabadooda u horraysay waxa ay ku tijaabiyeen haweenay la yidhaa Lisa Kulik, iyagoo qalliin isha ugu geliyey qalabkan.

“Aaladan dadka aragga ka naafada ah oo dhan kuma shaqaynayso. Waxa aad u baahan tahay in aad ugu yaraan 10% ay neerfisyada indhuhu (Optic nerves) shaqaynayaan, sababtoo ah waxa loo baahan yahay in farriimaha signalada ah maskaxda loo diro,” ayuu yidhi Dr Mark Humayun oo ka mid ah khabiirada samaysay qalabkan.

Qalabkan Argus II, waxa qalliin lagu gelinayaa isha qofka, kadibna waxa ay bukaanka ka caawinaysaa inuu wax arki karo.

Sidoo kale, qalabkan waxa loogu talagalay in loo geliyo dadka ay indhaha kaga dhacaan xannuunada midabada isku dhex qasa, waxaanay kooxda TechKnow sheegeen in qalabkan si gaar ah u caawinayo ciidammada aragga naafada ka noqda.