loveShanghai(ANN)Saynisyahanno u dhashay dalka Shiinaha, ayaa cilmi-baadhis ku sameeyey sida jacaylku u saameeyo maskaxda qofka, waxaanay sheegeen in dadka jacaylku hayaa qaybo badan oo maskaxda ka mid ah aad u shaqeeyaan, marka loo eego qofka aan wax jeclaan amma jacayl hore u soo maray ka bogsaday.
Cilmi-badhayaashu waxay sheegeen in qofka jacaylku ku cusub yahay ay maskaxdiisu aad u firfircoon tahay, dhiirigelin badan iyo inuu dhaqdhaqaaq badan sameeyana u horseedo.
Daraasadu waxay sheegtay in lammaanaha marka mid ka kale aad u daneeyo ay sabab u tahay qabaha maskaxda ee shaqayana oo keena inuu aad uga fikiro qofka kale, halka qofka aan jacaylku waligii ku dhicin ay qayb kaliya oo maskaxda ah firfircoon tahay.
Prof. Xiaochu Zhang oo ka socday Jaamacadda Saynista iyo Tiknoolajiyada ee Hefei ee dalka Shiinaha, ayaa sheegay in daraasadoodu soo bandhigtay caddayn muujisay in qaybo badan oo maskaxda ay firfircoonadaan qofka jacaylku ku dhaco.
Cilmi-baadhista oo ay ku daabaceen Jariirada Frontiers ee neerfisyada hab-dhiska dareemada neerfisiyada bina’aadamka ka faalloota ayaa, lagu xusay in dadka qof ay is jeclaayeen kala xidhiidh furmaan amma aan waligiiba jacayl ku dhicin qayb ka mid ah maskaxdu shaqayso oo qaybaha kale ka firfircoon tahay.
Natiijada baadhitaanka daraasadan ka soo baxday waxay iftiimisay saamaynta uu jacayku ku leeyahay maskaxda, waxaanay khubarada samaysay baadheen maskaxda 100 qof oo rag iyo dumar isugu jira oo ka tirsan Jaamacadda Chongqing, qaybteeda cilmi-baadhista.
Ardayda waxa loo kala qaybiyey saddex kooxood oo kala ahaa qaar wax jecel, qaar xidhiidh jacayl oo ay lahaayeen ka burburan waqtigaas uun iyo koox aan waligood waxba jeclaan.
Waxa Khubaradu ogaadeen in dadka jacaylku hayo maskaxdoodu aad u firfircoon tahay, gaar ahaan qaybta isku xidha shaqada maskaxda , gaar ahaan qaybaha la yidhaa Caudate Nucleus, amygdale iyo Insula oo ay qaybaha maamula in maskaxdu noqoto mid firfircoon oo shaqadeedu badato.
Dadka iyagu xidhiidhkooda jacayl muddo yar ka hor uun burburay, waxa aad u shaqaysa qaybta rajada iyo xasuusta, inta badana maaha qaar firfircoon, halka dadka aan waligood waxba jeclaan aan maskaxdoodu ka fikirin waxyaabaha farxada iyo firfircoonida ah, yihiina dad aad u adag sida cilmi-baadhistu xustay.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews