Araweelo News Network

Waxa Diyaariyey Cabdillaahi Beershiya cabdilahibeershiya@gmail.com


Bal haddii aynu u fiirsano qaababkii kala duwanaa ee cibaadada loogu waajibiyey Nebiga iyo dadkii la noolaa waxay ahayd qaab xikmad, degenaansho iyo u dhibirsani ku jirto, tusaale ahaan Salaada waxa lagu waajibiyey intii aanay asxaabta iyo Nebigu NNKHA ka hijroon magaalada Makka, Soonka waxa lagu waajibiyey ka dib laba sanno markii ay degenaayeen magaalada Madiina sidoo kalena Xajka waxa lagu waajibiyey sannadkii Lixaad.
Dhammaan hawlahaas oo dhammi waxay tilmaamayaan xikmadii ku jirtay soo kala hor dejinta Quraanka iyo sida uu Ilaahay ugu talo galay inuu Nebigiisu ku barbaariyo ummada isaga oo aan ugu horeynba gacanta ka hadleyn laakiin is qancin iyo wax isku sheegid ku bilaabaya hawlaha cusub ee loo igmaday.
• Qoddobada kale ee loo soo kala hor dejiyey Qur’aanka waxa ka mid ah in dadka muslimiinta ah lagu beero dareen ay rumaystaan waxyiga cusub ee ay qaateen, kaas oo si gaar ah iyo si guudba ula socday xaaladaha noloshooda.
• Daweynta dhacdooyinka maalinlaha ah ee kala duwan ayaa ka mid ah sababta Qur’aanka mar keliya loogu soo dejin waayey Nebiga, tusaale ahaan dhacdooyin badan oo masiiri ah oo dhacay waqtigii Nebiga waxa lagu daweeyey Qur’aan ku soo degey oo soo afjaray hadday muran dhalisay iyo haddii shaki ay abuurtayba.
• Waxa Qur’aanka lagaga jawaabayey su’aalaha culus ee gaaladu u diyaarsatay inay Nebiga ku jebiyaan, kuwaas oo dhammaantood Qur’aanku ka jawaabay hadday tahay nafta oo ay weydiiyeen iyo haddii ay tahay taariikho hore oo ay wax ka su’aaleenba.
• Dhacdooyinka Qur’aanka lagaga jawaabayey waxay ahaayeen kuwa wadareed amma kuwa keli keli ah dhammaantoodna wuxuu Qur’aanku ka daweeyey dhibaatooyin haystay oo kala duwanaa. waxa ka mid ah dhacdada kooxdii isku bahaystay inay xaaska Nebiga been-abuur ka sheegaan oo magaalada Madiina gilgilshay markii warkeeda la maqlay si aad u ba’anna taabatay gurigii Nebiga oo xataa keentay inay Caa’isha RC u wareegtay gurigii abbeheed iyo hooyadeed, laakiin iyaga oo dadku rumaystay warkaasi ayuu Ilaahay soo dejiyey Qur’aan sharaxaya siday wax u dheceen iyo sida beenta loo sameeyey……… Lasoco