Araweelo News Network

Khubaro u dhalatay dalka Tansaaniya ee bariga Qaaradda Afrika, ayaa sheegtay in ay ku dhaw yihiin in ay dunida ku faafiyaan, caalamkana u soo bandhigaan dawo ay u heleen cudurka Kansarka, gaar ahaan nooca ku dhaca qanjidh sarcaadka luqadda Ingiriisiga lagu yidhaa ‘Prostate” (Waa qanjidh u dhaxeeya dhuunta kaadi-mareenka iyo xubinta taranka, kana qaybqaata taranka).
Sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargeyska Daily News oo Jamhuuriya soo xigtay xalay, cilmi-baadhayaal ka tirsan mac-hadka Science and Technology Institution ee Tansaaniya, waxa dawadan laga sameeyey daawo dhaqameed laga helay geed qaddiimi ah oo laga helo Gobolka Tanga oo dhaca waqooyiga Tansaniya.
Kansarka noocan ah (Prostate Cancer) waxa uu ku dhaca hab-dhiska taranka ragga, waxa kaliya oo uu saameeyaa labka, waxaanay khubaradan sheegeen marka laga yimaado dawaynta kansarka in dawadan ay sidoo kale dabiib u noqonayso xannuunada kale ee laga qaado galmada (Sexual Transmitted Diseases), meeshana ka saarayso in qalliin qofka lagu sameeyo.
Daraasadda Khubaradan soo saareen waxa lagu sheegay in geedka ay dawada ka heleen uu ka baxo kaymaha la yidhaa Magamba oo ku yaala degaanka Lushoto, kana mid ah siddeed degmo ee uu ka kooban yahay Gobolka Tanga ee dalka Tansaniya.
Cilmi-baadhistan oo lix bilood qaadatay waxa sameeyey Dugsiga la yidhaah Nelson Mandela African Institute for Science and Technology oo ku yaal magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya.
“Geedkan oo si dabiiciya uga baxa meelo badan oo dalka ah, waa uu ku dhaw yahay inuu dabar go’o, isagoo aad loo gurto aawadeed, balse kaynta Magamba aad buu uga baxaa, dadka degaankuna dawo ahaan bay u isticmaalaan. Geedku waxa la aaminsan yahay inuu gebi ahaanba daweeyo xannuunada taranka ku dhaca, sida kansarka.” Sidaa waxa yidhi Ku-xigeenka Mac-hadka Dr. Mussa Chacha.

Geedka “Pranus Africanas” waxa ay dadka degaanku isticmaalaan dawaynta xumadda, kanneecada, dhaawacyada, fallaadha sumaysan ee ku dhaca, calool-xannuunka, qashin-saarka caloosha, kelyo-xannuunka, amateed xumaanta, Jabtida (Gonorhea) iyo xannuunada dhimirka. Geedkan oo aad u ballaadhan, gu’ iyo jilaalba waa cagaar, inta badana asal ahaan Tuunisiya uun baa laga helaa, sida daraasadu sheegtay.
Sidoo kale, geedka kale oo la “Pygeum” loo yaqaan oo ah geed yar, kana baxaan ubax cad, inta badana dherarkiisu yahay 45 mitir, waxa ka baxa khudaar, waxa laf ahaantiisana loo isticmaali jiray dawo muddo haatan ku siman 1700aadkii.
Khubaradu waxay sheegeen in ay dhirtan ka heleen dawo lagu kalsoonaan karo, dhawaanna caalamku u wada baahan doono, marka ay soo saaristeeda ku guulaystaan.