smartphoneBritain(ANN) Warbixin dhinaca Caafimaadka ah, ayaa lagu oggaaday in Dadka shaqaalaha ah, waxa inta baddan ku keena xannuunka isku buuqa, amma ku rida ee keena inay maskax ahaan ka mashquulaan telefoonnadooda casriga ah (smartphones).

sababtoo ah ayay tidhi. waxay mar walba ku foogan yihiin farriimaha u soo dhaca si ay uga jawabaan. sida lagu sheegay daraasadaa oo ay khubaro Ingiriis ah sameeyeen.

In qofku farriimaha Email ah ka jawaabo, telefoonkana ku hadlo, isla markaana iska xidhi kari waayo inta uu shaqada xafiiska ka nasanayo waxa ay keentaa inuu maskax ahaan u bukoodo qofku, isagoo mashquul badan gala.

Warbixintaa oo ay soo saareen khubaro ka tirsan xarun la-talinta dadka qaabilsan oo lagu magcaabo Camden Council, taa oo ku taal London, ayaa sheegtay in shaqaalaha isku buuqa ugu baddan ee ay la kulmaan ay keenaan moobilada iyo tiknoolajiyada kale ee inta shaqada ay ku maqan yihiin isticmaalaan.
Warbixinta khubarada oo la daabacay toddobaadkii hore waxay sheegtay in 20% xannuunka maskaxda kala soo darsa dadka ay ugu wacan tahay isku buuqa oo aad u tiro bata oo ay keento in qofku maskax ahaan u nasan waayo.

“Waxa loo baahan yahay in laga hortago in shaqaaluhu nasan waayaan, waxana ku jirta khatar baddan haddii shaqaaluhu isku buuq baddan kala kulmaan farriimaha moobilladooda ugu soo dhacaya, gaar ahaan kuwa Email ah ee loo soo diro,” ayey yidhaahdeen khubarada Camden Councils.

Golahani waxa ay dadka u soo jeediyeen inay waqtiyada firaaqada jimicsi sameeyaan iyo waxyaabo ay naftooda ku farxad gelinayaan, kagana nasanayaan shaqada culus ee uu ka soo baxay, amma ku jiraan inta ay shaqaynayaan.
“Xannuunada maskaxda ku dhaca waa waxyaabaha ugu baddan ee sababa in qofku shaqada ka maqnaado.

Tiro ka badan 70% dadka waaweyn ee shaqeeya England, ayaa cimrigooda inta ugu baddan shaqo ku dhammaysta oo aan marna nasan, waxaannu qofku fursad u haystaa inuu maskaxdiisa caafimaadkeeda ka fikiro oo uu nasto,” ayuu yidhi Dr. Justin Varny oo khubaradan ka mid ah.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380