Araweelo News Network


Dad badan ayaa la yaaba marka ay xabxabka gudihiisa ku arkaan dildilaac ka dhex muuqda hadaba waa maxay sababta dildilaacaasi.

Sida ay baahisay Mareegta ‘mediavor’ ee Dalka faransiisku dildilaaca ka dhex muuqan kara xabxabku waa calaamad muujinaysa in markii uu beerta ku yaallay lagu bacrimayey maadooyin kiimiko ah, iyadoo beeralayda qaarkeed ku bacrimiya Xabxabka maadada chlorfenuron, taasoo xajmigiisana weynaynaysa, kana dhigaysa inuu degdeg u bislaado.
Maadada chlorfenuron, ayaa ah mid ay dalalka qaarkood si madaxbanaan u isticmaalaan sida Dalka shiinaha oo beeralaydiisa u ogol inay beerahooda u adeegsadaan iyo weliba Dalka maraykanka oo isna u isticmaala soo saarka Dalaga Kiwi.
chlorfenuron waa maado Borotiin leh oo ka taageerta khudaarta qaarkeed inay si dhakhso ah u kobocdo, laakiin waxay raad xun u leedahay aadamaha iyo deegaankaba, sida ay caddaysay hay’ada ilaalinta Deegaanka ee Dalka maraykanka ee “EPA”.
Khubarada caafimaadku waxay hore uga digeen in la isticmaalo khudrad kasta oo laga yaabo in maadadaa lagu bacrimiyey ama lagu buufiyey, waana maado laga yaabo inay qofka ku sababto cudurka kansarka ama ay dhibaatayso caafimaadkiisa guud, waxana ay ka digeen in la cuno xabxabka kuruskiisu dildilaaca leeyahay, kaas oo ay suuragal tahay in lagu bacrimiyey ama lagu beeray maadadaa.
Hussein kurdi
xogtadunida.com