Haweenka inta badan habeenimada shaqeeya, ayaa la oggaaday in ay khatar badan ugu jiraan qaadista xannuunada wadno-xannuunka iyo kasarka, gaar ahaan kuwa shaqeea 9 habeennimo ilaa 5 subaxnimo sida cilmi-baadhis cusub lagu soo tebiyey.
Daraasadan oo ah tii ugu ballaadhnayd nooceeda ee la sameeyo, ayaa dhakhaatiirta hirgelisay ku ogaatay in dadka shaqeeya xilliyada habeenkii muddo ka badan shan sanno ay khatar badan ugu sugan yihiin in wadno-xannuun kku dhaco amma dhuumahooda dhiigga qaada khatar soo gaadho.

Dadka shaqeeya muddo 15 sanno ka badan goor habeenimo ah waxa iyaga laftar ahaantooda la ogaaday in cudurka kansarka qaadistiisa ay halis ugu sugan yihiin.
Sannadkii 2007 Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO, ayaa ka digtay habeenkii in la shaqeeyo waqtiyo badan, sababtoo ah waxay xustay warbixinteedu in laga qaadi karo cudurka kansarka, maadaama jidhka qofka bani’aadamka waqtigaas uu nasto, taasina ay keeni karto dhiiggu sababo dhaawacyo dhuumaha qaado ah.
Daraasadan oo khubaro Maraykan ah soo saareen waxay isticmaaleen cilmi-baadhiso caafimaad oo la sameeyey laga soo bilaabo sannadkii1976 ilaa hadda, kuwaasoo laga qaaday 121,700 haween ah oo kalkaalisooyin caafimaad ah oo u dhashay dalka Maraykanka, da’dooduna u dhaxayso 30 ilaa 55 jir, kuwaasoo muddo 2 sanno ah xog-ururin laga qaadaayey.

Xaaladan waxay khatar badan leedahay marka qofku toddobaadkii saddex habeen ka shaqeeyo, kuna darsado maalmo subaxa uu shaqeeyo amma fiidkii bil gudaheed, iyadoo daraasado ogaatay in dadka cuduradan u dhinta 11% ay yihiin haween habeenkii inta badan shaqeeya muddo shan sanno ka badan.
Kansarka sababada ku dhaca inta badan wuxuu 25% asiiba dadka inta badan shaqeeya habeenkii muddo 15 sanno ka badan sida cilmi-baadhistu xustay.
“Natiijadan waxay caddaymo u noqonaysa daraasado hore oo laga sameeyey in shaqaynta habeenkii ay saamayn xun ku leedahay caafimaadka qofka,” ayey tidhi Prof. Eve Schernhammer oo ka tirsan Kulliyada Caafimaadka ee Jaamacadda Harvard iyo cusbitaalka haweenka ee Brigham Women’s Hospital oo ku yaala magaalada Boston ee dalka Maraykanka.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com