Araweelo News Network

Marwo Foosiya Maxamed Ismaaciil: Guddoomiyaha Ururka Umulisooyinka iyo Kalkaaliyeyaasha Caafimaadka

Marwo Foosiya Maxamed Ismaaciil: Guddoomiyaha Ururka Umulisooyinka iyo Kalkaaliyeyaasha Caafimaadka

Hargeysa (ANN)- Marwo Foosiya Maxamed Ismaaciil oo ka mid ah haweenka reer Somaliland ee aqoonta fiican u leh caafimaadka hooyooyinka iyo dhallaanka, ayaa ka xog-warantay isbeddelka dhinaca adeegyada caafimaadka hooyada iyo ubadka, isagoo sidoo kale sharaxaad ka bixiyey waayaha kala duwan ee nolosheeda la xidhiidha.
Marwo Foosiya Maxamed Ismaaciil oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Ururka Umulisooyinka iyo Kalkaaliyeyaasha Caafimaadka Somaliland, ayaa sidoo kale ka hadashay waxyaabaha u qabsoomay ururkooda iyo caqabadaha ay la kulmaan, iyadoo waqtigan ka mid noqotay dadka hal-doorka ah ee loo xushay inay yihiin shaqsiyaadka saamaynta fiican ku dhex leh bulshada oo ka soo dhalatay xog-ururin lagu ogaanayo dadka ku dayashada mudan ee wax ka qabtay danta guud rubuc-qarnigii la soo dhaafay.
Madaxa barnaamijka la baxay ku dayo muwaadinka danta guud wax ka qabtay rubuc-qarnigii tegay Mr. Rashiid Sulub Caalim, ayaa waraysi dhinacyo kala duwan ah la yeeshay marwo Foosiya Maxamed Ismaaciil, kaasoo ay ku faahfaahiyey waxyaabo badan oo khuseeya sooyaalkeeda taariikheed iyo sababta keentay inay barato caafimaadka.
Waxa marwo Foosiya Maxamed ay sheegtay inay caasimadda Hargeysa ku dhalatay sannadkii 1954-kii, waxayna ka hadashay halka ay ku soo kacaantay amma yaraanteedii joogtay, waxayna tidhi; “Waxaan odhan karaa Gobolada Somaliland oo dhan ayaan ku soo kacaamay, Waayo, aabbahay ayaa dawladda u shaqaynayay oo kolba magaalo loo beddeli jiray, fasalka 1aad ee uulada waxaa la iga qoray sannadkii 1962-kii, waqtigaas oo aannu joognay magaalada Berbera oo aabbahay ka ahaa guddoomiye, haddana fasaladii 2 iyo 3aad waxaan ka galay Iskuulka Riis ee Magaalada Hargaysa, kadib markii aabbo loo soo beddelay Hargaysa, haddana waxa aabbahay loo beddelay magaalada Burco, waxaanan halkaas ku qaatay fasaladii 4aad iyo 6aad annigoo wax ku baranayay Iskuulkii Boodhinka Hablaha ee Burco, waxaa kaloo dhacday in markii aan gaadhay fasalka 6aad in aabbahay loo soo beddelay Hargaysa, sidaas ayaanan Hargeysa ugu qaatay fasaladii 7aad iyo 8aad anigoo wax ka baranayay Iskuulka Boodhinka hablaha ee Hargaysa, Dugsigii Sarena isaga ayuun baan ka galay.”
Drs. Foosiya waxay sheegtay in tayada aqoontu ahayd mid aad u heersaraysa wakhtigii ay wax baranaysay, waxayna tidhi; “Horta, markii aannu Iskuulada galnay waxay ahaayeen kuwo aad u heer sareeyay, waayo nidaamkii Ingiriiska ayaa wax lagu baranayay markii aan dibadaha u baxay ayaan ogaaday in si wanaagsan wax na loo baray oo aannu seeska ka dhisanahay, waayo, maadooyinka oo dhan luqadda Ingiriisiga ayaa nalagu siinayey, macallimiinta badankooduna dibadda ayey ka yimaadeen oo waxa wax noo dhigi jiray macallimiin Masaari ah, kuwo u dhashay dalka Ruushka, qaar reer Hindiya ah iyo weliba macallimiin Maraykanka ahaa, halka maadada Carabiga aannu luqad ahaan u baranaynay, sababtoo ah, waqtigaas luqadda Soomaaligu may ahayn mid qoran.”
Marwo Foosiya Maxamed Ismaaciil oo la weydiiyey sababta keentay inay barato caafimaadka, waxay tidhi; “Anigoo jooga Hargaysa ayaa la yidhi waxaa la doonayaa gabadh Gobolka Hargaysa u soo barata waxa loo yaqaan Caafimaadka Bulshada (Public Health) iyo umulisonimada, waxaanna imtixaan na lagaga qaaday Iskuulka Neersinka, waanan ku guulaystay, tigidhkii ayaana la ii soo gooyey, kadibna waxa aan tegay Xamar annaga oo ah 38 gabdhood ah oo 12 ka mid aha waqooyi (Somaliland) ka yimaadeen, waxaanna halkaas na lagu baray Caafimaadka Bulshada iyo Umuliso-nimada, waxaan Xamar ka qaatay shahaadada Diploma, laakiin digri (decree) maan gaadhin, markii waddanka laga qaxay waxaan tegay dalka Canada (waqooyiga Ameerika), iyadoo aan xidhiidho la sameeyey qolooyinka caafimaadka, annigoo shahaadooyinkaygii iyo wixii caddaymo ah soo qaaday, waxaase la igu yidhi 5 bilood ayaad u baahan tahay oo dib u xasuusin ah si aad u hesho liisankii shaqada, 5-tii bilood ayaan ku noqday, markii dambe imtixaan ayaa la iga qaaday oo waan baasay, waxaanan helay liisankii caafimaadka dalka Canada (Kanada) oo waan shaqeeyay. Xarun weyn oo caafimaad ayaan muddo 18 sanno ah ka shaqaynayay, sidaas oo ay tahay aroortiina waan shaqaynayay galabtiina Jaamacad la yidhaa Ottawa University ayaan waxbarashadayda ka sii watay, laakiin waxa khibradda badan aan ka faa’iiday waxay ahayd 18-kaas sanno ee dad kala wada duwan aan la shaqaynayay.”
Waxa kaloo ay ka hadashay Drs. Foosiya Maxamed Ismaaciil markii ay dib ugu soo noqotay dalka Somaliland, waxayna tidhi; “Waxaan dalka ku soo laabtay sannadkii 2004-tii, sida ay dagaaladii ugu burbureen wax kasta oo cidaam ahaa ayuu Caafimaadkuna qaybtiisa ka helay, waxaan arkay in dhibaatooyin badan ka jiraan dhanka caafimaadka, waxaanna igu dhalatay in halkii aan wax u soo bartay ee wax ka qaban lahaa inuu caafimaadku yahay, waxaan ogaaday in dadkii aniga oo kale ahaa ee caafimaadka wax ka yaqaanay ay dalka ka dhoofeen amma dagaaladii saameeyeen, markaa annagoo shan qof ah ayaan is weydiinay sidee ayaan dhibkan uga bixi karnaa? Waxaannu isla qaadanay in midnimo arrintaas wax lagaga qaban karo, waxaa kaloo aanu is tusnay in haddii aanu Urur samayno inuu noqon karo ka furaha u noqda dhibkii jiray, Ilaahay mahadii wuxuu noo hirgalay bishii November ee sannadkii 2004-tii, waxaannu soo marnay Gobolada dalka si aanu u ogaano tirada umulisooyinka iyo wixii tababaro ah ee ay u baahan yihiin. Xogtii halkaas nooga soo baxday ayaa noqotay shiidaalka uu ku dhaqaaqay Ururkan Umulisooyinka, waxaannu samaynay qorshe iyo himilo cad, iyadoo aanu ku bilownay inaanu raadino kaalmo ka badan inta aanu hayno si loo kordhiyo umulisooyinka, waayo, dhimashada hooyada iyo dhallaanku aad ayay u badan tahay. 150 umuliso waddanka kumay filnayn, Nurses-ka (kalkaaliyeyaasha) meesha isugu yimi waxay ahaayeen 200 xubnood, waxaannu samaynay 8 manhaj oo kala duwan, kuwaas oo dad badani nagala shaqeeyeen. Wasaaradda Caafimaadka wada shaqayn fiican ayaa naga dhaxaysa, sababta aanu Ururka u aasaasnay ayaaba ahayd inaanu badhi taarno oo wax la qabano.”
Guddoomiyaha Ururka Umulisooyinka Somaliland waxay ka hadashay waxyaabaha guusha ay ka gaadheen urur ahaan, waxayna tidhi; ‘’Walaahi far keli ah fool ma dhaqdo, waxa guushaas igala shaqeeyay oo aan doonayaa inaan u mahadnaqo kooxda ila shaqaysa ee gacanta iga siiyay in hawshani hirgasho, waxaan u mahadnaqayaa Wasaaradda Caafimaadka oo nala shaqaysa, waxaan u Mahadnaqayaa Hay’adda la yidhaa THET (Tropical Health and Education Trust) oo saldhigeedu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska, xarun weyna ku leh caasimadda Hargeysa, kuwaas oo garab nagu siiyay inaanu shaqaale qoran karno, inuu xafiiska Ururku shaqeeyo oo aannu gobolada xafiisyo ku yeelano, inaanu qorno dad xirfad leh oo bixiya waxa loo yaqaan aqoonta socota ee joogtada ah, sdoo kale waxaan u mahadcelinayaa Hay’adda UNFPA oo xaga umulisada nagala shaqaysay.’’
Guddoomiyaha oo la weydiiyey heerka maamul-wanaag ee ururkoodu gaadhay iyo tallaabooyinka ay dhanka horumarka u qaaadeen, waxayna ku jawaabtay; “Tababarka iyo kordhinta umulisooyinka iyo tirada Nursing (kalkaaliyeyaasha) waxaa noo dheeraa in aannu dejinay siyaasad sheegaysa badbaadada hooyada iyo ilmaha in lagu tababaro xirfadyahankan, kaas oo aannu ugu talogalnay in umulisooyinka Somaliland ka hawlgalaa inay bixiyaan adeeg hufan oo ammaan ah oo ay ku badbaadinayaan hooyada iyo dhallaanka intii aanu wakhtigoodu dhammaan, kaasoo saamaxaya in la helo nidaam wax la iska weydiin karo haddii loo baahdo, iyadoo mid walba wato manhajkiisa, waxaa kaloo aannu wax ka qabanay oo aan dalkeena ka jirin qolka lagu qalayo qofka u tababaran sidii qofkaas wax loogu qaban lahaa. Laba kooxood ayaanu hawshaas u tababarnay oo aanu macallimiin dibadda uga keenay markii dambe si mar walba macallin dibadda looga baahan labada kooxood min shantii u sareeyay ayaan macallimiin u sii tababarnay. Waxaan Ilaahay (SWT) mahadii ahayd in umulisooyinka tiradoodu ahayd 150 qof, waxa ay hadda marayaan 600 iyo dheeraad, sidoo kale Nursing (kalkaaliyeyaasha) oo ahaa 200 xubnood wuxuu maanta marayaa ilaa 1,800 xubnood iyaga qudhoodu waxay u baahan yihiin wax lagu ilaaliyo, iyagana lagu xakameeyo in qofka ay u adeegayaan aanay waxyeelo soo gaadhsiin, wax ay u taraan mooyaane, taasna laba sanno ayaa ururkayaga iyo Ururka dhakhaatiirtu ay hawshaas ka shaqaynayeen, Ilaahay Mahadii, maanta way jirtaa hay’adaas oo waa la diiwaangeliyaa dadka mihnadan ku shaqaynaya.”
Drs. Foosiya Maxamed Ismaaciil oo ah Guddoomiyaha Ururka Umulisooyinka Somaliland, ayaa sidoo kale ka hadashay waxayabaha caqabadaha ah ee mararka qaarkood la soo dersa amma ay urur ahaan la kulmaan.
“Waxaa qodobka 1aad ah in dadkayagu aannu fahamsanayn wuxuu Ururku yahay, caqabada 2aad waxay tahay Nursing-ka (kalkaaliyeyaasha) iyo Umulisooyinka dhul ayuu Ingiriisku siiyay sannadkii 1953, markaa meeshii aqoontooda lagu dhisi lahaa ee lagu tababari lahaa dad ayaa iska degay oo hadda ku nool, taasina waa caqabad jirta oo na haysata,” ayey tidhi Foosiya Maxamed Ismaaciil.