Araweelo News Network

Haween

Xaalada Caafimaad ee Haweenka murugada badan, isla markaana hinaasuhu ku badan yahay, ayaa la ogaaday in marka ay weynadaan ay ku dhacaan xannuunada maskaxda ku dhaca, gaar ahaan cudurka asaasaqa loo yaqaan ee keena in qofku carruuroobo amma uu waxba kala garan waayo sida lagu xaqiijiyey daraasad laga qaaday dad u dhashay dalka Ingiriiska.

Khubarada cilmi-baadhistan samaysay waxay sheegeen in waqtigan tirada dadka maskaxdoodu shaqada gabto ay kor u kacayso, dadka khatarta badan ugu jiraana yihiin haweenka xaalad ahaan aan degenayn ee inta badan murugadu ku badan tahay.

Khubaradan waxay sheegeen in dad ka badan 800,000 qof oo u dhashay Ingiriiska ay qabaan xannuunka asaasaqa, iyadoo 2050 lagu sadaalinaayo in 44 milyan oo qof uu ku dhaco.

Cilmi-baadhistan oo lagu baadhay 800 haween ah oo ku jira da’da u 30, 40 iyo 50 jir, kuwaasoo wax laga waydiiyey dabeecadahooda, heerka cadhadoodu taagan tahay, hinaasahoodu siduu yahay iyo in ay si dhakhso ah u murugoodaan, in ay shaqada culays badan k ahayso, guriga ku dhibatoodaan, waxaana su’aalahaas lagu celcelinaayey muddo 5 sanno ah. Daraasadan markii ay dhamatay muddo 38 sannadood ah, waxa la ogaaday in 153 haween ah xannuunka asaasaqu haleelay, taasoo la ogaaday in ay yihiin haweenka murugada ku badan tahay.

“Cilmi-baadhayaasha asaasaqa wax ka eega waxay inta badan soo qaataan arrimaha waxbarashada, wadnaha, dhiigga oo ay sheegaan in ay khatar ku noqoto amma hidde ahaan qofku qaado asaasaqa, balse waxa la ogaaday in shakhsiyadda qofku sababto asaasaqa, gaar ahaan dabeecadiisa,” ayey tidhi Lena Johnnsson oo cilmi-baadhistan masuul ka ahayd.