dhiiga jacaylkaQaarada Eeshiya inta badan waxa laga aaminsan yahay, gaar ahaan dalka Japan nooca dhiigga, iyadoo haweenka amma raggu tixgeliyaan in ay guursadaan haweenayda amma ninka ay u arkaan in dhiiggiisu yahay mid firfircoon, sababtoo ah waxay aaminsan yihiin in dhiigga qofku ka qaybqaato in shakhsiyadiisu wanaagsanaato amma xumaato.
Haddaba, dalka Japan daraasado laga sameeyey waxa laga ogaaday in dadkaa qaar dhiigga noocyadiisa aad u qaraiyaan.
Haddaba waxay u dhacda siyaabaha loo tixgeliya sidan:
Lammaanaha Haweenaydu Dhiiggeedu A Yahay, Saygana B
Lammaanaha A iyo B dhiiggoodu yahay waxa la rumaysan yahay in ay yihiin lammaano aan inta badan heshiin oo xidhiidhkoodu aannu sii raagin, sababtoo ah waxa la rumaysan yahay in haweeenaydu tahay mid ka firfircoon, kana caqli badata ninka inta badan sida dabeecada u ah dhiigga A, kana firfircoonaata saygeeda, sababtoo ah dhiigga A waa mid ka adag inta badan B-da, inkastoo dhiigga B loo yaqaan inuu hoggaaminta ku fiican yahay, qoyskana way heshiiyaan, balse waxa muuqata haweenayda.
Lammaanaha dhiiggoodu Yahay labadoodaba A
Lammaanahan waxa la rumaysan yahay in ay yihiin qaar is fahma oo aad isu jeclaada, degenaada, muran aannu dhexmarin, isla markaana go’aannada ay isla soo jeediyaan wada qaata, noloshoodana ku dhammaysta jacayl iyo degenaansho badan.
Haweenaydu Markay Dhiiggeedu A Yahay Saygana O
Waa lammaane sax ah oo labadooduba aad isu jeclaada, balse waxa laga yaaba in ay fikradaha isku qabsadaan mararka qaar, inkastoo lagu yaqaan in ay xal gadhaan, kuna heshiiyaan aakhirka firkada, jacaylkoodana waxa loo yaqaan “Jacaylka Sacda ah,” (Perfect Couple).
Marka Haweenaydu A dhiiggeedu yahay, Ninkana AB
Lammmaanahan waa qoys degen, waxaana dabeecad u ah in ninku hoggaanka guriga gacanta ku hayo, una taliyo qoyskiisa, wax muran ahna ma dhex galo, sababtooah dhiiggan waxa inta badan isu raaca maskax iyo astaan hoggaamineed, sidaa darteed waa nin qoyskiisa ka adag, kana soo baxa masuuliyada qoysnimo, haweeenaydu aad u jeceshahay, kana dambayso go’aamadiisa…. La soco….