muqaalkaciyaartadhegeoolayaashaHargeysa(ANN)Laba Kooxood oo dheggoolayaal ah, ayaa Ciyaar kubadda Cagta ah oo aad u xiiso badnayd ku dhexmartay Garoonka Hargeisa Stadium shalay, kuwaas oo ku kala ciyaarayay magacyada Dheggoolayaasha Caasimadda iyo Dheggoolyaasha Boorama, waxaana ciyaartaa oo ay ka qayb galeen masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland soo abaabushay wasaaradda waxbarashada Somaliland.
Ciyaarta labada kooxood oo ahayd mid daawashadeedu xiiso badnayd, ayaa ku dhamaatay 2-1, iyadoo guushu ku raacday kooxdii ku ciyaaraysay magaca dheggoolayaasha caasimadda.

Halkan Ka Daawo Ciyaartaa Riix.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com