Dubai(ANN)-Dalka Qadar ayaa  si layaab leh ugu garaacay oo kaga adkaaday 4-0 xulka dalka Imaaraadka kadib ciyaar kubbadeed xaasaasi ah oo dhexmartay  xulka kubbada dalkaa oo Marti galiyay tartanka koobka Aasiya ee lagu qabtay Imaaraadka Carabta.

Xulka Dalka Qadar si ay u gaadho finaalka koobkaas, balse waxa muddadii ay labada xul ciyaarayeen taageerayaasha imaaraadka kabaha ku tuureen ciyaarytoyda kasoo hor jeedda ee xulka Qadar.

Taageerayaasha Imaaraadka ee gurigooda jooga, ayaa dhalooyin iyo kabo kusoo tuurayay marka ay ciyaartooyda Qadar u dabaaldagayeen goolashooda intii lagu jiray ciyaartaas oo u muuqatay mid laga dhex arkayay xiisada siyaasadeed iyo xafiiltanka u dhexeeya labada dal.

Sidoo kale waxa la arkayay taageerayaasha kubadda cagta ee Imaaraadka ayaa buuq ku hadheeyay astaanka qaranka ee dalka Qadar, oo marti gelin doona koobka adduunka ee sannadka 2022-ka.

Fowdada ay sameynayeen taageerayaasha Imaaraadka iyo cadhada ay ka qaadeen natiijada ciyaarta ayaa sababtay innay is xakamayn kari waayeen, taas oo salka ku heysa xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa labada dal. Iyadoo dalalka Khaliijka qaarkood oo ay Sacuudiga isu xulufaysteen sidii dalka Qadar loo godoomin lahaa, balse ay ku guuldaraysteen xulufadu qorshahaa.

“Taasi xaalad sahlan ma ahayn,” Ayuu yidhi tababaraha dalka Qadar Felix Sanchez oo ka hadlayay sida ay xaaladdu ahayd markii garoonka Dubai  lagu jiray.

“Ciyaartoydu way ogaayeen innay  halkaasi ka jirto cadaadis badan, balse si wanaagsan ayay u xakameeyeen dareenkooda. Anigana aad baan ugu faanayaa”, ayuu yidhi Sanchez.

Laaciibka lagu magacaabo Boualem Khoukhi , ayaa goolkii ugu horreeyay Qadar u dhaliyay daqiiqaddii 8-aad ee ciyaarta, ka hor inta aannu ciyaartoyga kale ee la yidhaahdo Almoez Ali u labeynin daqiiqadihii ugu dambeeyay ee qeybtii hore ee ciyaarta xulka Qadar, wuxuuna goolkaasi  ahaa kii 8-aad ee uu Almoez Ali ku dhaliyo tartankan xulka Qadar

.

Ciyaarta ka hor, ma sahlaneyn in la qiyaaso dareenka dadka, waxaana laga dhur sugayay oo kaliya dhinaca ay natiijada u jihaysaneyso. Laakiin markii lagu buuqay astaanta qaranka Qadar, wax walba way kala caddaadeen shakina kuma jirin in cadaawad ay ku dheehan tahay ciyaarta Qadar iyo Imaaraadka.

Hase ahaatee marka laga yimaado  Oriska lagu orriyay astaanta qaranka Qadar, markii dhowr jeer la isku baasay kubadda, taageerayaasha imaaraadka waxay u muuqdeen inay aad u xiiseynayeen taageeridda kooxdooda.

Kadib markii gool dhaliyaha hoggaanka u haya Koobka Aasiya, Almoez Ali, uu gool la helay shabaqa si uu ciyaarta uga dhigo 2-0, dabaaldeggiisii wuxuu sababay in dadkii cayaarta daawanayay ay kabo ku soo tuuraan. Gudaha Bariga Dhexe, in kab lagugu weeraro micnaheedu waa in si xun laguu caayay sababtoo ah waxay taasi muujineysaa in qofka sidaas lagu sameeyay uu ka liito wasakhda ku taalla kabta dusheeda.

Ciyaarta inteeda kale, gantaallo caag ah ayaa si joogto ah loogu tuurayay ciyaartoyda kabaha soo tuureysay, Balse markii uu Hasan Al-Haydos oo u Ciyaara xulka Qadar ciyaarta ka dhigay 3-0, taageerayaasha Imaaraadka ayaa aad u niyad jabay.

Kabo badan oo dheeraad ah ayaa garoonka ay ciyaartoyda ka socotay lagu soo weeraray, waxaana dib u dhac uu ku billowday ciyaarta ilaa heer ay kooxda Imaaraadka ka dalbadaan dadweynaha inay ka joojiyaan fowdada.

Hase yeeshee markii la isku soo laabtay qeybtii dambe ayey goolasha u badiyeen Hassan Al-Haydos iyo Hamid Ismail, waxaana ay Qadar sidaa markii ugu horreysay ku gaadhay Fiinalka koobka Aasiya.

Xulka Dalka Qadar Ciyaarta finalka oo jimcaha dhici doonta ayay la ciyaari doonaan dalka Jaban oo afar jeer ku guuleystay koobkan.

“Kab-tuuridda Imaaraadka iyo ku tumashada Qadar ma aha kuwo dhakhso ah lagu illoobi doonno”

Haddaba si dhaqso ah laguma illoobi doono Kab-tuuridda taageerayaasha Imaaraadka Carabta iyo sida ay Qatar ugu tumatay mid ka mid ah dalalkii xayiraadda siyaasadeed saaray.