UEFA
Roma (ANN) Hay’adda maamusha Ciyaaraha kubadda Cagta ee Dalalka Yurub (Union of European Football Associations) ee loo soo gaabiyo UEFA, ayaa shaacisay magacyada qaar ka mid ah garsoorayaasha dhex-dhexaadin doona kulamada Champions League ee toddobaadkan la ciyaari doono.

Waxaana magacyada la baahiyay ka muuqda in kulamo adag loo xilsaaray garsooreyaal aan caan ahayn garoomada ciyaaraha Kubadda Cagta ee Yurub.

Kulanka derbiga ee Atletico Madrid ku marti-gelin doono dhiggeeda isku magaalada yihiin ee Real Madrid ayay UEFA, u dooratay Milorad Mazic oo Serbia u dhashay, hore aan u qaban ciyaar miisaankeedu wayn yahay.

Kulankan xasaasiga ah, ayaa markii hore la filayay inay qaban doonaan garsooreyaal caan ah, balse waxa ugu dambayn qabashadeeda ku guulaystay Milorad Mazic oo ay noqonayso jirabaadii ugu adkayd ee uu maro.

Kulanka kale ee Talyaaniga ku dhex-mari doona Juventus iyo AS Monoco ayay UEFA isna qabashadiisa u xilsaartay Pavel Kralovec oo u dhashay dalka Czech, kaasoo aan isna magaciisa hore loo aqoon.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews