Araweelo News Network
kabihiiuguqaalisanaa

Kabo-ciyaareed qaybo ka mid ah dahab yahay oo laga sameeyey maqaar Yaxaas, ayaa lagu iibinayaa magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, kuwaasoo lagu baayacay lacag dhan $20,000, kana dhigaya kabihii ugu qaalisanaa dunida ee lacag intaas le’eg loo dhigo iibkooda.
Kabahan oo u samaysan kabaha ciyaaraha, balse qurux ahaan logu talagalay ayaa lagu iibinayaa xarunta la yidhaa Athletic Propoulsion Labs (APL) oo inta badan xaraashta waxyaabaha qaaliga ah ee ciyaaryahannada, waxaanay xaraashka kabahan qayb ka yihiin carwo lagu soo bandhigayo kabo ciyaareed dunida caan ka ahaa.
Qaybta sare ee kabahan waxa ay ka samaysan yiiin maqaar Yaxaas, waxana lagu qurxiyey 24 k oo dahab saafi ah, halka carrabka yaxaaskana loo isticmaalay in calaamad ahaan loo isticmaalo.