Araweelo News Network

ciyaartoyda1

Hargeysa (ANN)- Tartanka kooxaha heerka labaad ee kubbadda Kolayga, ayaa si rasmi ah uga bilaabmaya garoonka Timacadde ee caasimadda Hargeysa Arbacada maanta, haddii Ilaahay yidhaah.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray xidhiidhka Kubadda Kollayga ee Somaliland , waxa tartankan ka qaybgelaya 8 kooxood oo kala ah; Shaadhay-team, Abaarso-tech, Ciyaarsame, Jigjiga-yar, Callo Basket Team, Tima-cadde, D.H.Gabiley iyo kooxda Axmed Guray, kuwaasoo dhammaantood ah kooxaha heerka labaad.
Kulanka u horeeya ee furitaanka ah waxa wada ciyaari doona kooxda loogu magac-daray ciyaartoygii waynaa ee hore ugu safan jiray gobolka Maroodi-Jeex ee Axmed Shaadhay, oo badiba ciyaartoyga u ciyaaraya kooxdaasi ay yihiin inamo uu dhalay Axmed Shadhay iyo kooxda CIYAARSAE, taasoo ka qabsoomi doonta garoonka Timacadde gelinka dambe ee Arbacada maanta.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha & xidhiidhada kala duwan ee ciyaaruhu (Kubadda Cagta, Basketka iyo Oradadu) oo gacan ka helaya hay’adda Mercy Corps, ayaa markii ugu horeysay markale ka bilaabay ciyaaraha kala duwan ee cagta, kolayga iyo orodka garoomada Hargeysa iyo Tima-cadde sannadkan 2017, kadib ciyaarihii gobollada ee sannadkii hore sida quruxda badan ee guusha lahayd uga qabsoomay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.
Tartankan Kubbadda Kolayga ee kooxaha darajada 2aad ayaa la soo gaba-gabay doono 17 ka bishan 3aad ee March, haddii Alle yidhaah, iyadoo la diyaariyey jadwalka loo sameeyey qaabka kooxu u wada ciyaari doonaan muddada tartanku socdo, halka sidoo kalena la soo saaray xeer-hoosaadka lagu hagi doono muddada 17-ka maalmood ah ee uu tartankaasi socdo.

JAWDALKA TARTANKA KOOXAHA HEERKA LABAAD EE KUBADA KOLAYGA

Group A​ Group B
SHAADHAY-TEAM​ ABAARSO-TECH
CIYAARSAME​ JIGJIGA-YAR
CALLO BASK. TEAM ​ TIMA-CADDE
D.H.GABILEY​ AXMED GUREY

No
Team 1
Vs
Team 2
Time
Group
Date
1
SHAADHAY-TEAM
Vs
CIYAARSAME
03:45pm
A
01/03/2017
2
ABAARSO-TECH

Vs
JIGJIGA-YAR
03:45pm
B
02/03/2017
3
CALLO-BASK. TEAM

D.H.GABILEY
03:45pm
A
03/03/2017
4
TIMA-CADDE
Vs
AHMED GURAY
03:45pm
B
04/03/2017
5
CIYAARSAME

CALLO-BASK. TEAM
03:45pm
A
05/03/2017
6
JIGJIGA-YAR
Vs
AXMED GUREY
03:45pm
B
06/03/2017
7
SHAADHAY-TEAM
Vs
D.H.GABILEY
03:45pm
A
07/03/2017
8
JIGJIGA-YAR
Vs
TIMA-CADDE
03:45pm
B
08/03/2017
9
ABAARSO-TECH
Vs
AXMED GUREY
03:45pm
B
09/03/2017
10
ABAARSO-TECH
Vs
TIMA-CADDE
03:45pm
B
10/03/2017
11
CIYAARSAME
Vs
D.H.GABILEY
03:45pm
A
11/03/2017
12
SHAADHAY-TEAM
Vs
CALLO-BASK. TEAM
03:45pm
A
12/03/2017

NASASHO-13/03/2017
10
Group A1
Vs
Group B2
03:45pm
1A
14/03/2017
11
Group B1
Vs
Group A2
03:45pm
2B
15/03/2017

NASASHO-16/03/2017

12
Winner 1A
Vs
Winner 2B
03:45pm
final
17/03/2017