Laascaanood(ANN)-Shirkadda Gaadiidka ee isku-socodka Gobolada Somaliland ee Bari iyo Galbeed, ayaa agab ciyaareed ku wareejisay Koox ku ciyaari doonta magaceeda oo laga dhisay Magaalada Laascaanood, sidoo kalena gacan ka geysatay tartan loo qabtay kooxaha heerka koowaad oo ka socda Magaaladaasi.

Shirkadda ayaa Xafiis cusub ka furanaysa Magaalada Laascaanood, kaasoo dadweynaha Gobolkaasi u sahli doona socdaalka Gobolada kale, iyagoo isticmaalaya Gaadiidka Shirkadda oo aan halkaasi hore u tegi jirin.

Maxamed Abshir Daahir Maareeye ku-xigeenka Shirkadda Bari iyo Galbeed

Munaasibada lagu qabtay garoonka kubada cagta ee Magaalada laascaanood, taasoo ay ka qaybgaleen masuuliyiinta Shirkada Bari iyo Galbeed, Madaxda wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Gobolka Sool iyo marti-sharaf kale oo bahda ciyaaraha kamida, ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Maareeye ku-xigeenka Shirkadda Bari iyo galbeed Maxamed Abshir Daahir oo faahfaahin ka bixiyey doorka ay shirkaddiisu ka qaadato dhiiri-gelinta Ciyaaraha iyo Dhalinyarada iyo tartan ciyaareedyo kale oo lagu qabtay Magaallooyin ay kamid tahay Ceerigaabo.

Maxamed Abshir Daahir ayaa sheegay in ay shirkadda Bari iyo Galbeed saaxiib dhow la tahay bahda Ciyaaraha; “Shirkadda Bari iyo galbeed waxa ay mar walba u heelantahay oo ay bah-wadaag la tahay bahda ciyaaraha, koobabka iyo wareegyada ay kala qayb-qaadatay ama ka taageertay wasaaradda Ciyaaraha iyo xidhiidhkuna aadbay u badan yihiin”.

Maareeyaha ayaa intaasi raaciyey “aadbaan ugu faraxsanahay Kooxdan aanu maanta halkan ku guddoonsiinay agabka, waxaanu ku faraxsanahay in aanu qayb laxaadle ka qaadano in tartankani uu ka qabsoomo Gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood” ayuu yidhi Maareeyaha Shirkadda Bari iyo galbeed oo halkaa ku guddoonsiiyey maamulka Kooxda agabkii Ciyaaraha oo dhamaystiran.

Isuduwaha Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Gobolka Sool Fu’aad Axmed Cali oo halkaa isna ka hadlay ayaa amaan balaadhan u jeediyey Shirkadda Bari iyo Galbeed, waxaanu ka markhaati kacay in tartamo lagu qabtay Gobolada dalka ee Galbeedka ay taageero ka geysatay, isagoo intaa ku daray in farxad iyo yihdidiilo weyn u tahay isaga iyo Wasaaraddiisa gacanta ay ka geysatay Kaltan-ciyaareedka ka socda Magaalada Laascaanood.

“waxa farxad weyn noo ah in maanta shirkadda Bari iyo galbeed kooxdii labaad ka qaadatay Laascaanood,iyadoo horena uga qaadatay koox kale magaalada Boorama, aadbaan u soo dhaweynaynaa”ayuu yidhi isuduwe Fu’aad.

Samatar oo ka socday Wasaarada Dhalinyarada iyo ciyaaraha, Macalin Caynaashe oo kamida la-taliyeyaasha Shirkadda ee dhinaca Ciyaaraha, macalinka kooxda Shirkaddu la wareegtay iyo xubno kamida Ciyaartoyga kooxda oo iyaguna halkaa ka hadlay ayaa ka dareen celiyey dhiiri-gelinta Shirkadda Bari iyo Galbeed la garab taagantahay bahda Ciyaaraha iyo kooxdan ay qaadatay.

Ugu dambeyn, Maareeye ku-xigeenka, masuuliyiinta Wasaaradda Ciyaaraha iyo macalimiinta munaasibadaasi hadallada ka jeediyey ayaa Kooxda magaca Shirkadda ku ciyaaraysa kula dardaarmay in ay ka fogaadaan wax kasta oo dhaawac u geysan kara magaca Shirkadda iyo koodaba, kuna dedaallaan sidii ay guul uga soo hoyn lahaayeen tartan-ciyaareedyada ay ka qayb-gelayaan.

Shirkadda Bari iyo Galbeed oo maalgelisay tartankan, ayaa ah tan ugu weyn ee fududaysay isu-socodka dadweynaha ee Gobolada Somaliland oo dhan, waxaana leedahay Gaadiid kala duwan oo isaga goosha magaallooyinka dalka, kuwaas oo wax weyn ka tartay socdaalka iyo safarada Bulshada isaga goosha gobolada dalka oo ka hor intii aan shirkaddan la abuurin ay kala kulmi jireen dhibaatooyin aanay qaarkood awoodin inay galaan safar dheer.