ciyaraha afrika

 

 

 

 

 

Hargeysa(ANN)Liiska isu aadka Ciyaaraha Koobka Qaramada Afrika, ayaa lasoo saaray sida ay isugu beegan yihiin 16 Kooxood oo ka qaybgelaya kubadda cagta ee Qaramada Qaaradda Afrika.
Kooxaha ayaa loo qaybiyay 4 Group, waana sidan:

Dalka Aljeeriya, oo ka mid yahay dalalka ugu sareeya Cayaaraha Kubadda Cagta Africa, ayaa ku jira Group-ka geerida ee C. Waxay isku qayb yihiin oo ay la tartami doontaa kooxaha dalalka Ghana, Senegal, iyo South Afrika.

Waa Afar koox oo aad u adag, tartan culus ayaa la filayaa in ay u gali doonaan labada koox ee ka gudbaya Group-kan.

Aljeeriya ayaa gaadhay wareegga labaad ee ciyaaraha adduunka ee lagu qabtay dalka Brazil sanadka 2014.

Dalka martigelinaaya cayaaraha Qaramada Qaaradda Africa ee Equitorial Guinea, ayaa la cayaari doona, Gabon, Congo iyo Burkina Faso oo ay iskula jiraan Group-ka A.

Sidoo kale Group-ka B, waxaa ku jira, Zambia, DR Congo, Cape Verde iyo Tunisia.

Group-ka D, waxay kala yihiin Ivory Coast, Guinea, Cameroon iyo Mali.

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com