Beijing(ANN) Mo Farah oo ah Orodyahan u dhashay Somaliland, isla màrkaana haysta dhalashada Britain ayaa ku guuleeystay tartanka Guulaystay Tartanka 5,000m Ee Ciyaaraha Adduunka ee fudud oo ka socda magaalàdà

Beijing ee dalka Shiinaha, Mo Farah ayaa hore ugu guulaystay 10,000m ee tartankan.

Mo Farah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, isla markaana u orda dalka Britain ayaa noqday ninkii ugu dheereeyay isagoo ku orday 13 daqiiqo iyo 59 ilbidhiqsi.

32-jirkan oo laba labada Guul ee China ku daraya guulihii hore ciyaarihii Olombikada London ee 5,000m iyo 10,000m ee 2012 iyo 2013 World Championships.

Guushan Mo Farah ayaa sidoo kale gaadhsiinaysa rikoodh cusub

maadaama uu ku guulaystay tartankii 3-aad ee WorldChampionships.
Riix halkan Ka Daawo