Araweelo News Network

Inkastoo aannu guul u dabbaal-degin, haddana waxa uu hal-adaygnimo ku qaatay sharaf, waayo waxa uu dhammaystiray tartan orod oo 42km ah, isagoo jilibku kala wareegsan yahay, dhaawaciisuna aad u culus yahay, si uu calanka dalkiisa oo ku lebbisnaa uga ilaaliyo sharaf-dhac.
Orodyahan John Stephen Akhwari oo u dhashay dalka Tansaaniya, waxa uu magaciisu galay taariikhda ciyaaraha orodada, isagoo u adkaystay xannuun iyo dhaawac jilibk ah, dhammaystirayna masaafo looga baahnaa inuu ordo sannadkii 1968kii.
Orodka oo uu si fiican u wado ayuu Akhwari kufay, kadibna jilibku kala wareegay, dhaawac xunna soo gaadhay, halka uu sidoo kalena garabku kala baxay, balse ma joogin, waxaannu sii watay orodkiisii si uu dalkiisa Tansaaniya guul ugu soo hooyo, calanka qarankiisana uga ilaaliyo sharaf-dhac.
Intii uu oradka waday dad badan baa aad uga xumaaday, doonayeyna inuu isdhiibo, laakiin waxa u caddaa inuu gaadho hadafkiisa oo ahaa inuu ilaaliyo sharafta dalkiisa oo uu uga qaybgalay tartan orodada ah oo lagu qabtay waddanka Mexico.
Markii uu dhammeeyey orodka waa uu dhacay, saacadduna waxay ahayd 7:00 habeennimo ee waqtiga Mexico. Waxa uu saacad ka dambeeyey orodyahankii labaad ee ugu dambeeyey ee gaadha goobta bar-dhammaadka.
Dad badan ayaa sugayey inta uu goobta gaadhayo, waxaanay mar kaliya isla oogsadeen qaylo soo dhawayn ah, kadibna dhakhaatiirta ayaa isla markiiba u fidiyey adeeg caafimaad oo degdeg ah.
Markii uu hadafkiisii gaadhay, orodkiina dhameeyey waxa ku xoomay suxufiyiin aad u tiro badan oo su’aalo la boobay, balse jawaab fudud ayuu siiyey, taasoo ahayd; “Dalkaygu iimu soo dirin 5000 mayl inaan orodka ku bilaabo, hase ahaatee waxay ii soo direen inaan dhammaystiro orodka.”
Waqtigaas waxa tartanka ka hadhay 18 orodyahan oo caafimaad qabay, laakiin sii wadi kari waayey in ay dhammaystiraan masaafada looga baahnaa, halka dhacdada orodyaha Akhwari noqotay tallaabo ku dayasho leh oo loo soo qaato in hal-dayga guul lagu gaadho, waxaannu dhiirrigelin u noqday maalaayiin qof oo adduunka ah.
Dedaalka Akhwari sameeyey waxa uu ku kasbaday in lagu casuumo ciyaarihii magaalada Sydeny ka qabsoomay 2000.
Guddida Ciyaaraha Fudud ee Adduunka (World Olympic Body), ayaa orodyahanka reer Tansaaniya u hibayn doona abaalmarin muuqaal dhiirrigelin ah oo lagu maamuusayo maalinta Arbacada ee toddobaadka soo socda, laguna faafin doono baraha internetka ee bulshada.