Araweelo News Network

Britain's Mo Farah reacts as he wins the men's 5000m final at the London 2012 Olympic Games at the Olympic Stadium August 11, 2012.  REUTERS/Lucy Nicholson (BRITAIN  - Tags: SPORT ATHLETICS OLYMPICS TPX IMAGES OF THE DAY)

Britain’s Mo Farah reacts as he wins the men’s 5000m final at the London 2012 Olympic Games at the Olympic Stadium August 11, 2012. REUTERS/Lucy Nicholson (BRITAIN – Tags: SPORT ATHLETICS OLYMPICS TPX IMAGES OF THE DAY)

Hargeysa(ANN)Orodyahanka kasoo jeeda Somaliland ee sita magaca Britan Mo Farah ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee British ah ee markii saddexaad ku guulaysta billadaha dahabka Olympic-ada.

Orodyahankan oo Somaliland ka soo jeeda ayaa difaacday horyaalka 10-ka kun ee mitir ee uu horay ugu guulaystay tartankii Olympicadii 2012-kii.

mudadii uu tartanku socday waxa layaab noqotay inuu Mo. Farah oo 33-jir ah si lama filaan ah dhulka ugu dhacay, balse si degdeg ah ayuu kacay, wuxuuna sii watay Orodkiisa, isagoo dhaafay Orodyahanadii kula jirat tartanka, wuxuuna awoodda orodkiisa soo bandhigay 100-kii mitir ee ugu dambeysay , halkaas oo uu ku reebay Orodyahanka reer Kenya ee Paul Tanui oo ka horreeyay , sidaana waxa uu Mo Farah ku qaatay billadii dahabka ee uu ku guulaystay kaddib markii uu ordayay 27 daqiiqo iyo 5 ilbiriqsi.

Kaalinta labaad waxaa soo galay Paul Tanui oo Kenya u dhashay halka kaalinta saddexaadna uu ku guulaystay Tamirat Tola oo Ethiopia u dhashay.

Mo Faarax ayaa ciyaaraha Orodka dib ugu soo laaban doona maalinta Arbacada ah si uu u difaacdo orodka 5-ta kun ee mitir ee uu ku guulaystay tartankii London ee 2012.