Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN) – Tartanka kooxaha heerka koowaad, labaad iyo sadexaad ee (FA Cup-ka) ayaa dhawaan lagu wadaa in Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland ka furaan Garoonka weyn ee Hargeisa Stadium. Tartankan waxaa maal-gelisay shirkadda Iskaadhsiinta Casriga ah ee Telesom.

Tartankan oo ay ka qayb gali doonaan 28 Kooxood ayaa diyaargarawgiisu gabogabo ku dhawyahay iyadoo lasoo saaray qaabka kooxaha heerka koowaad, labaad iyo saddexaad ee caasimadda Hargeysa ay iskugu beegmayaan isku aadka tartanka koobka Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland (FA Cup).

Tartankan ayaa garoonka Hargeysa Stadium ka qabsoomi doona 17-ka bishan July 2018 waxaana sida qorshuhu yahay ciyaar kasta si toos ah looga daawan doonaa Horn Cable Tv (HCTV).

Tartankan ayaa waxaa isku aadka Gruopska ay kooxuhu iskugu beegmeen sidan hoos ku qoran.

Group A:
Goodir
FC Seico
Kirix Restaurant
Diana Club

Group B:
Xiddigaha Cirka
True Cable TV
FC Sooyaal
Buubaa Hotel

Group C:
Was. Maaliyadda
Was. Hawlaha Guud
FC Afgal
Was. Qorsheynta

Group D:
D.H.H
Was. Cadaaladda
FC Waaberi
Asluubta

Group E:
Gaashaan
FC Sh. Madar
Al Bacas FC
East & West

Group F:
Was. Ganacsiga
Hass Petroleum
FC Dannab
Was. Caafimaadka

Group G:
Was. Xananada Xoolaha
Ciidanka Dab-demiska
Maamuus Hotel
Was. Beeraha

Tartankan oo markii ugu horeysay lagu qabanaayo dalka ayaa ah mid xiisihiisa leh , isagoo isla markaasina noqondoonaa talaabo horumar oo taariikhda u galidoonta masuuliyiinta Xidhiidhka Ciyaaraha Somaliland iyo guud ahaanba Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland.

Dhinaca kale tartankan ayaa noqon-doona mid kor u qaada isla markaana dhiirigeliya bahda ciyaaraha ee Somaliland gaar ahaana barbaarta caasimadda Hargeysa ee nasiibka u yeeshay in magaaladoodii laga bilaabo laguna daahfuro.