Cincinnati, Ohio,(ANN)-Tababaraha kooxda FC Cincinnati Ron Jans ayaa isaga baxay kooxda iyadoo horyaalku uu baarayo eedeymaha loo adeegsaday inuu cunsurinimo kula kacay qolka labiska kooxda.


sida lagu shaaciyay Goal.com, Maamulaha Holland ayaa baadhis ku haya waxa MLS Players Association ay ugu magac dareen ‘faallooyin aan haboonayn’ Ron Jans ayaa si rasmi ah kooxdu u shaqaaleysiisay bishii August, isagoo bedelay macalinkii hore ee Kooxdaa, Alan Koch inuu noqdo madaxa kooxda sanadka koowaad.

Tababarihii hore ee PEC Zwolle, Heerenveen iyo Groningen waxaa loo keenay “xal waqti gaaban ah” ka dib bixitaankii Koch, iyadoo qandaraaskiisa uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedka 2020.

Intii lagu guda jiray kulankiisii ugu horreeyay ee kooxda, Jans ayaa qarka u saaran inuu ka tago kooxda ka dib markii ay cabasho ka gudbiyeen Ururka Ciyaartoyda Kubadda Cagta ee Major League Soccer.

Dacwadaas ayaa xustay in Jans ay eedeysay “faallooyin aan haboonayn” iyada oo uu ku baaqday in baadhitaan lagu sameeyo dhacdadaa.

Sida laga soo xigtay Athletic iyo Cincinnati Enquirer, xarumaha cabashada ee ku xeeran eedaymaha loo adeegsaday midab-kala-sooca, iyadoo Jans uu sheeganayo inuu ka dhawaajinayo heesta ‘hip-hop’.

“FC Cincinnati waxaa la aasaasay oo ay ku shaqeysaa seddex qiime oo muhiim ah: (1) noqoshada mid loo wada dhan yahay iyo qoys-saaxiibtinimo, (2) yeelashada bulshada dhexdeeda xoogan iyo muuqda, iyo (3) ku guuleysiga garoonka dhexdiisa,” ayaa lagu yidhi, qoraal kasoo baxay Naadiga.
Markii hoggaanka naadiga lagu wargaliyay eedeymaha, waxaan aad ula yaabnay madaama dhisida dhaqan daryeel iyo xilkasnimo leh ay diirada saartay hogaaminta Ron. ee hoggaaminta Naadiga.


“Waxaan rabnaa in aan si buuxda u fahanno nooca shilka oo aan u oggolaano deegaan ay ciyaartoydeenu si xor ah ugala hadlaan wixii qolka ka dhacay. Sidaa darteed, inta ay wadajiraan naadiga Kubadda Cagta iyo Naadiyo Sare, Ron wuu ka tagi doonaa kooxda inta badhritaanku socdo. ayaa lagu yidhi, qoraalka.


“In kasta oo baadhitaanka la samaynayo, Naadiga waxaa sidoo kale ka go’an hubinta in xubin kasta oo ka tirsan naadiga uu yeesho qadarin qoto dheer iyo wacyi galin ku saabsan kala duwanaanshaha dhaqamada iyo asalka, waxaana u sameyn doonaa tababar xubin kasta oo ka mid ah ururka.”


Naadiga, ayaa xusay in aan wax faalo dheeraad ah laga bixin doonnin arrintaan ilaa laga soo gabagabeeyo baadhitaanka wadajirka ah ee lala yeelanayo MLS. ayaa la raaciyay.

MLS, ayaa warbixin ay soo saartay ku qortay: “Major League Soccer waa la ogeysiiyey cabasho ay u gudbiyeen Ururka Ciyaartoyda MLS, ee ku saabsan Tababaraha kooxda FC Cincinnati Ron Jans. Xafiiska Horyaalka MLS, oo kaashanaysa FC Cincinnati, ayaa bilaabay baadhitaan la xidhiidha arrinta. Jans wuu ka baxay shaqadiisa tababaranimo ee kooxda inta arintan la baadhayo. ” ayaa lagu yidhi, Warbixinta.

Ololihi ugu horeeyey ee FC Cincy ee MLS, wuxuu ahaa mid adag, iyadoo kooxda ay ku dhameysatay MLS-kii ugu dambeeyay 24 dhibcood iyo farqiga gooldhalinta-44. Tababare Jans, oo isagu qabtay xilka 10kii kulan ee ugu dambeeyay, wuxuu qabtay rikoodh 1-5-4 ah.

FC Cincinnati waa naadi kubbadda cagta Mareykanka ah oo xirfadleyda ah kuna dhisan magaalada Cincinnati, Ohio, oo ka cayaarta Shirka Bariga ee Horyaalka Kubadda Cagta ee MLS.