godkadhuxusha
Hiiraan(ANN)Dagaalyahanno ka tirsan ururka Al-shabaab, ayaa la sheegay inay nolosha ku gubeen nin dhuxusha ka ganacsada degaanka Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ee dalka Soomaaliya.
Ma jiro war rasmi ah oo ururka Al-shabaab ku sheegteen dilka ninka dhuxulaysatada ah, balse, maamulka Gobolka Hiiraan, ayaa saxaafadda u sheegay in Al-shabaab ay hore u soo saareen amar ah in aan dhirta degaanka la goyn karin, wax dhuxul ahna laga shidan karin, kuwaasoo ku hanjabay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan cidkastoo ay ku qabtaan dhir la goynayo.
Duqa degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Mr. Cumar Cismaan Macaanaw, ayaa sheegay in Al-shabaab hore ugu digeen ninka ay qabteen, balse aannu u hoggaansamin digniintooda, iyadoo taasina sababtay inay isagoo nool ku gubaan meel uu dhuxul ka dhidanayey.
“Nimankii (Al-shabaab) waxay soo rogeen in aan geedaha la jari karin, ciddii jartaana ay tallaabo ka qaadi doonaan. Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa ka dhego adaygay amarkaas, isagoo inta uu geedo badan gooyey ka dhigtay dhuxul uu ka ganacsado, nasiib-darro nimankii (Al-shabaab) ayaa maqlay in ninkaasi dhir badan jaro, way qabteen, waxayna ku dhex gubeen dhuxushii uu doonayey inuu iibiyo, isagoo nool ayeyna ku dhex rideen dhuxusha oo dab xoogan ka baxayo,” ayuu yidhi duqa degmada Jalalaqsi ee Soomaaliya.
Waxa kaloo masuulkaasi intaas ku daray; “Waa fal naxariis-darro ah, waa fal bani’aadanimada ka baxsan, waa fal aan hore ugaba dhicin Soomaaliya. Nimankan waxay geysteen falkii ugu xumaa oo Soomaaliya ka dhaca.”

Araweelo News Network
Somaliland Office
E-mail Jaamac132@gmail.com
info@araweelonews.com