Araweelo News Network

muuqaalkadaraasadamuslinkamaraykankaLondon(ANN)Daraasad cusub oo dalka Maraykanka laga sameeyey ayaa iftiimisay in dadka xayiraadda ugu culus la saaro, cidhiidhigana la geliyo ay yihin Muslimka.
Sida lagu sheegay daraasad ay diyaariyey Jaamacadda American University, kuna daabacday wargeyska Independent ee ka soo baxa dalka Ingiiriiska maalintii Jimcaha oo Jamhuuriya soo xigtay, waxa 10 sanno ka hor nacaybka Maraykanka dhexdiisa looga qabo islaamku uu gaadhsiisnaa 26%, halka sannadkan 2016 ay arrintaasi gaadhay 45.5%, taasoo muujisay in muslimiintu dhibaatooyin badan kala kulmaan dalkaas.
Nacaybka dadka Muslimka loo hayo waxa kor u qaaday siyaasiyiinta xag-jirka ah ee ku luuqeeya nacaybka islaamka sida daraasaddu sheegtay, waxaannu wargeysku sheegay in bulshada muslimiintu yihiin kuwa loogu neceb yahay gudaha dalka Maraykanka.
Khubarada daraasaddan samaysay oo ka tirsan Jaamacadda Minnesota (University of Minnesota), waxa ay eegeen aragtida laga qabo shacabka laga tirada badan yahay diin ahaan ee Maraykanka ku dhaqan.
Xog-ururintan oo la sameeyey intii u dhexaysay February 2014 ilaa March 2016-kii oo laga qaaday 2,521 (laba kun, shan boqol, koob iyo labaatan) qof, waxa soo baxday in Muslimka Marayanka ku dhaqan nacaybka loo qaba yahay 45.5%, halka Yuhuudda, Latinos, Asian-American ay haystaan 10% nacaybka.
Dalka Maraykanka waxa aad loogu bartilmaameedsadaa dadka Muslimka ah, waxaanay Golaha Islaamka Maraykanka ee CAIR (Council on American-Islamic Relation) ku dhawaaqeen sannadkan 2016 inuu ahaa sannadkii ugu xumaa ee lagu dhaqaaqay dhacdooyinka masaajidada lagaga soo horjeedo, waxana la soo tebiyey 55 kiis oo lagula kacay Muslimiinta, halka 2015 ay dhacdooyinku ahaayeen 79 fal oo islaamka Maraykanka ku dhaqan lagu takooray.