Canadian PoliceCalgary(ANN)Booliska Dalka Canada ayaa sheegay in Cabdirashiid Rashka Diihaal oo ahaa Soomaalida ku dhaqan dalka Canada, isla markaana ka soo jeeday deegaanka Sool ee Somaliland laga waayey magaalada Brooks ee gobolka Calgary ee dalka Canada dhamaadkii Bishii hore ee July. Kaddib markii Booliska dalka Canada lagu war geliyay raq iyo Ruux la waayay Maxamed Jaamac Cabdi oo 44 sano jir ahaa, isla markaana gobolka Awdal ee Boorama.

Booliska ayaa sheegay in Cabdi Rashiid Diihaal oo loo yaqaanay Maxamed Jaamac Cabdi oo 44 sano jir ahaa aan la arag ama la maqal tan iyo 14 kii bishii July, sidaa daraadeed Boolisku waxay sheegeen inay u aqoonsan yihiin in la diley Ninkaa.
Booliska ayaa sheegay in maqnaashaha ninkaasi lagu soo wargeliyey 24kii bisha July, toban maalmood ka dib markii la waayey meel uu jaan iyo cidhib dhigay, waxayna sheegeen in ninkaas loo haysto inuu diley gacan ku dhiigle ay ku magacaabeen Ali Abdullaahi Cawaalle, kaasoo sida ay sheegeen Boooliska Canada la sheegay inuu Diyaarad ka raacay 16kii July ee isla sanadkan 2015 laba maalmood kaddib markii markii la waayey Marxuum Maxamed Jaamac.

Sidoo kale waxay sheegeen booliska Canada in liista danbiilayaasha caalamiga ah la daray Mr. Cawaalle, oo 40 jir ah, kaasoo Diyaarad u raacay magaalada Toronto ka hor intii aanu duulin Soomaaliya.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.