AMISOM
Marka(ANN)Ciidamada Nabad Ilaalinta u jooga Somalia ee AMISOM, ayaa xasuuq u geystay dad shacab ah magaalada Marka ee xarunta u ah Shabeelada Hoose. Dad kala duwan oo ku sugan Marka ayaa xaqiijiyay in hawlgal ay Ciidamada AMISOM fuliyeen lagu soo qab-qabtay dad shacab ah, kuwaas oo sida ay sheegeen ugu yaraan 10 ka mid ah la dilay. Kadib markii tacshiirado lala beegsaday dadkaa oo lagu toogtay garoon ku yaal xaafada Baytu Raas ee magaalada Marka.
Sida ay sheegayaan wararka ugu yaraan dad gaadhaya 30 ayaa ku dhaawacmay halkaa, iyadoo tiro intaa ka baddana xabsiga loo taxaabay.
Arrintan ayaa dhacday kadib markii Booyad shidaal u siday AMISOM xalay lagu qarxiyay magaalada, iyadoo aan la ogayn khasaaraha qaraxa Booyada iyo cida ka danbaysay, isla markaana ciidamada AMISOM, ayaan wax war ah kasoo saarin qaraxa iyo dadka shacabka ee la laayay.
Sidoo kale xukuumadda Somalia ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho hawlgalka ay ciidamada AMISOM ku xasuuqeen dadka shacabka ah, iyadoo wararka qaar shegayaan in khasaaraha dhimashada iyo dhaawacu intaa ka badanyahay.
Maaha markii u horaysay ee ciidamada AMISOM dad shacab ah sidan oo kale si badheedh ah u laayaan, balse dhacdooyinka noocan ah ee dadka shacabka ay ciidamada AMISOM ugu geystaan dilka iyo tacadiyada Kufsiga ayaa ah kuwa soo noq-noqda oo aan waxba laga qaban, waxaana waqtigan ka dhashay arrintaa xaalad cakiran oo dadweynaha Marka dareen cadho ah kaga muujiyeen.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.