amisomMarka(ANN)Ugu yaraan 15 qof oo ah dad maato shacab ah, ayaa ku dhintay weerar ay Ciidamada AMISOM ku qaadeen Magaalada Marka ee Shabeellada Hoose ee Koonfurta Somalia. Kaddib markii ay weerar ku qaadeen Xaafad ka mid ah xaafaddaha Magaalada oo lagu magcaabo Ruusiya.
Dadka la xasuuqay waxay 4 qof oo ka mid ah ahaayeen kuwo qoys keliya kasoo jeeda, Aabaha dhalay caruurta Afarta ah, ayaa u sheegay warbaahinta in Ciidamada AMISOM saaka gurigooda ugu yimaadeen, markii ay baadhitaan sameeyeen kaddibna ka baxeen guriga, balse wax yar kaddib kusoo laabteen sidaana ku khaarajiyeen Afar Wii loo uu dhalay, iyadoo aanu Odayga dhalay Caruurta sheegin sababta loo laayay caruurtiisa.
Dhinaca kale wararka kale eek a imanaya magaalada Marka ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ee kasoo jeeda Dalka Burindi saaka weerar madaafiic iyo tacshiirado rasaas ah la beegsadeen xaafadaha magaalada iyo suuqyada laga adeegto, taas oo sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah sheegayaan in in tobaneeyo qof ku dhinteen tacshiiradahaa rasaasta ah.
Qaramada Midoobay ayaa todobaadyadii ina dhaafay sidan oo kale tacshiirado rasaas ah ku xasuuqay Magaalada Marka, kaddib qarax ka dhacay hallkaa oo haleelay Booyad shidaal u siday Ciidanka AMISOM.
Ciidamada AMISOM, ayaan marar baddan sidan oo kale dad shacab ah u xasuuqay si badheedh ah, iyadoo aanay Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh, wax wara ah kasoo saarin dhacdooyinkaa foosha xun ee dadka shacabka ah.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.