Daayeer
Daayeer noociisu yahay Goorrilayaal (Orangutan), ayaa maxkamad dalka Argentina ku taal u dammaanad qaadday xuquuqo la mid ah kuwa bani’aadamka.
Maxkamadda Argentina, ayaa go’aamisay in daayeerad goorrila oo 29 jir ah laga sii daayo beer xayawaan oo la yidhaa Beunos Aries Zoo, kadib markii uu muddo badan halkaas lagu hayey oo ay waqtigay jirtay o dhan halkaas ku qaadatay.
Khubaro shuruucda ku takhasustay, ayaa sheegay in go’aankani albaabada u furayo kumanaan kiis oo noocan ah, kaasoo go’aanka maxkamaddu noqon doono xeer daayeerada lagu dhaqo oo xuquuqo aasaasi ah u dammaanad qaadaya.
Go’aankan waxa uu soo baxay, kadib markii koox u dooda xuquuqda xayawaanku dacwad u gudbiyeen maxkamadda, kuna caddeeyeen dokumantiyo sharci oo xabsiyada xayawaanka lagaga soo horjeedo, gaar ahaan si khaas ah looga diyaariyey daayeer la yidhaa Sumatran Organtuan oo ku dhashay beer xayawaan oo ku taal dalka Jarmalka, kadibna loo soo gudbiyey Beerta xayawaanka Beunos Airs muddo labaatan sanno ka hor ah.
Natiijada ka soo b\axday ayaa noqotay in xayawaankan loola dhaqmo sida qof, iyagoo qareennada u doodaayey daanyeerkan sheegay in aanay waajib ahayn sida alaab qof leeyahay loola dhaqmo noolahan.
Maxkamaddu waxay aqbashay in danyeerka la yidhaa Sandra uu xaq u leeyahay xuquuqa noolaha aan bani’aadamka ahayn,
“Tani waxay alabaabada u furaysa in xayawaanka kale oo dhan maxkamad looga doodi karo, xuquuqahooda laga qaadayna loo celin karo, gaar ahaan laga saari karo meelaha lagu xaraystay ee ay ka mid yihiin beeraha, barxadaha iyo dadka ciyaaraha qalaama-rogadka (Circuses) u isticmaala,” ayuu yidhi Afada oo ah qareen daanyeerkan u doodaaey, una warramay wargeyska Argentina’s La Nacion.
Daayeerkan, ayaa loo gudbin doonaa si magangelyo loogu raadiyo dalka Brazil, iyadoo beerta xayawaanka laga saarayna la siiyey in ay go’aankaas rafcaan kaga qaadato muddo 10 maalmood ah.