alabanioDara-salaam(ANN)Dadka ku nool dalka Tansaaniya oo loo yaqaan Albinos, isla markaana maqaarka iyo timahooduba caddaan noqdaan, ayaa sida xayawaanka loo ugaadhsada, isla markaana bulshada ay ku ag nool yihiin jidhkooda ka ganacsadaan, iyagoo rumaysan in jidhkoodu barako keenaayo, xannuunada qaarna difaac ka yahay.

Waxa ay bulsho baddan oo Tansaaniyan ah aaminsan yihiin in jidhka dadka Albino uu dadka u keenayo hanti iyo nasiib wanaagsan, sidaa darteed qofka keena qaarka hore, amma dambe qof ka mid ah dadkaa waxa laga siistaa $3,000 ilaa $4,000 doollar, haddii jidhka oo dhammaystiran la keenana waxa lagaga iibsadaa $75,000 doollar.

Inta baddan dadka Albinada leh waxa loo weerara si joogto ah, iyadoo waliba gacmaha iyo lugaha, amma halkii laga soo gaadhaba faash lagaga goosto, waxaanay taasi keentay in ay inta badan is qariyaan si ay uga badbaadaan ugaadhsiga lagu hayo.

Xannuunka Albinims waa mid la iska dhaxlo, waxaana keena in qofka jidhkiisa ay ka maqnaato maadada midabka madaw u samaysa (Melanin) la yidhaa, waxaana lagu qiyaasa in 1% ay xannuunkaa qabaan 1,400 qof ee meel wada jooga dalka Tansaaniya.

Baadhitaanno badan oo lagu sameeyey dadka xannuunkan qaba ee la weeraro waxa la sheega in 74 qof la dilay, halka 59 qof oo kaliya ay ka badbaadeen weeraro loo gaystay oo xubnahooda lagu goosanaayey, xataa marka xabaalaha lagu aaso ayaa laga soo faggaa oo maydkooda lagala soo baxaa.

Weerarka dhacdadii ugu danbaysay dhibaatada ugaadhsiga dadkaa lagu hayo, wuxuu aha Kiis ugu dambeeyey mid ku dhacay gabadh yar oo Afar jir ah, taasoo bishii December ee sannadkii hore gurigooda laga afduubtay, waxaana falkeeda loo xidhay Aabbaheed iyo adeerkeed, kadib markii la waayey, ilaa haddana lama helin.

“Dhulka, ayaa lay dhigay sidii oo aan ahay Ri’I la gawracayo, kadibna gacantay iga goosteen, waxayna u baxsadeen Kaymaha markay heleen lacagtii ay ku iibsadeen gacantii ay iga goosteen,” ayuu yidhi Mwigulu Matonange oo isagoo 10 jir ah laba nin isagoo dugsiga ka yimi gacan ka goosteen. Sidaana waxa lagu daabacay IPP Media oo soo xiganayay Ninkaa.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com