dad la gawracay Libiya
Tripoli (ANN)Diyaaradaha Masar, ayaa duqayn dhinaca Cirka ah kaga jawaabay kadib markii Kooxda la baxday dawladda Islaamiga ah ee dalalka Ciraaq iyo Suuriya (ISIS), gudaha waddanka Liibiya ku gawracay 21 qof oo ka mid ah dadka kiristaanka ah ee ku dhaqan dalka Masar.
Ragga kiristaanka ah oo hore loogu qabqabtay gudaha dalka Liibiya, ayaa si fool-xun loogu gawracay xeebta badda Mediterranean-ka (Mediterranean Sea) ee gudaha Liibiya, iyadoo muuqaal kooxda ISIS baahisay lagu sheegay in dadkaas la gawracay habeenkii Isniinta, isla markaana 21-kaas qof mid walba si gaar ah looga gooyey qoorta, dhiiggii ka qulqulayna uu casaan u beddelay biyaha badda u dhaw goobta falkaasi ka dhacay.
Dawladda Masar oo falkaas aad uga cadhootay, ayaa bilawday weeraro dhinaca cirka ah oo ay ka fuliyeen goobo ku yaal gudaha dalka Liibiya shalay, kuwaasoo lagu sheegay inay yihiin qaar lagaga aargudanayo falka lagu gawracay 21-ka nin ee ka soo jeeda kiristaanka reer Masar, waxayna dawladdu ballanqaaday inay joogtayn doonto weerarada ka dhanka ah kooxda ISIS, isla markaana dagaal adag la geli doonto.
Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah al-Sisi, ayaa kulan degdeg ah la yeeshay hay’adaha ammaanka dalkiisa, halkaasoo lagu go’aansaday in dagaal xoogan lala galo kooxda ISIS ee dalka Liibiya, lagana aarguto qaabka foosha xun ee ay u dileen ragga u dhashay Masar ee haysta diinta kiristaanka.
Tallaabada duqaynta dhinaca cirka ah ee ay Masar ka fulisay goobo ay degan yihiin kooxda ISIS ee gudaha Dalka Libiya, ayaan si dhab ah looma oga khasaaraha gaadhay kooxdaa, iyadoo labada Baarlamaan ee ka dhisan dalka Libiya mid soo dhoweeyay duqaynta cirka ee Masar.
Hase yeeshee Baarlamaanka kale iyo kooxda Islaamiyiinta Libiya, ayaa faragelin qaawan ku tilmaamay duqaynta Masar, iyadoo dawlada Masar sheegtay inay sii wadayaan duqaynta ilaa ay ka naafaynayaan kooxdaa, balse wax aka dhashay arrintaa cabsi kale oo laga cabsiqabo in kooxda ay ISIS, talaabo aargudasho ah ka sameeyaan gudaha dalka Libiya oo ay ku nool yihiin dhawr iyo toban kun oo u dhashay Masar, kuwaas oo u baddan Muslim.
Dadka qidbiyiinta ah ee lagu dilay xeebta badda Liibiya oo asal ahaan ka soo jeeda bulshada aaminsan diinta kiristaanka, kuna dhaqan waddanka Masar, waxa la afduub ahaan loo qabsaday bishii January 2015, waxaana laga duubay muuqaal fasiraad ka bixiyey qaabka loo gawracay, kuwaasoo loogu lebbisay dirayska casaanka ah ee ay caanka ku noqdeen maxaabiista u gacan gala kooxda ISIS.
Sida lagu arkay muuqaalka kooxda ISIS baahisay, 21-ka nin ee la gawracay, ayaa lagu amray inay socod ku maraan goob xeeb ah, iyadoo qofkasta uu daba socday xubin ka tirsan ISIS oo madaxa duubtay, kuwaasoo markii dambe lagu wargeliyey inay jilbaha dhulka saaraan, kadibna qoorta laga gooyey dhammaantood.
Dalalka Maraykanka iyo reer Yurub, ayaa si xooggan u cambaareeyey falka lagu gawracay 21-ka qof ee haystay diinta kiristaanka, kuwaasoo xusay in arrintaasi tilmaan u tahay sida ay daruuri u noqon karto in kooxda ISIS la tirtiro, iyadoo kooxdaas lagu calaamadiyey inay wadaan falal la isaga horgaynayo islaamka iyo kiristaanka.
Kooxda dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Suuriya (ISIS) oo ka talisa goobo badan oo ku yaal dalalkaas, ayaa hadda u gudubtay dhinaca waddanka Liibiya sannadkii hore ee 2013, xilligaasoo ay qabsadeen degaanno ku yaal Liibiya.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com